Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 7 May 2024

Zusan Mubaarak Ee Ahayd Jawharadi Maska Qaaliga Iyo Wiilkeedi Magaca-Lahaa Jamaal Oo Baxsad Lagu...

Monday - Feb 28, 2011

Warar lagu kalsoonyahay oo ay qortay wargeyska al-jamhuuriya ee ka soo baxda dalka Masar ayaa daboolka ka qaaday in jawharadi maska qaaliga ahaan jirtay Marow Zusan Mubaarak oo u qabo madaxweynihi hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak iyo wiilkii gardarada iyo magaca lahaa ee wixi afkiisa ka soo baxa la kala boobi jiray waa Jamaal Mubaarak-e ayaa la cadeeyey iney si dhuumasho iyo qal-qalooc ay ku baxsan-lahaayeen laakiin fursadaas seegtay

Warka ayaa sheegaaya in haweyneydaas Zusaan Mubaarak iyo wiilkeeda Jamaal ay goor galab gaab ah si qarsoodi ah ku tageen airaborka dayaaradaha ee magaalada Sharmo Sheekh oo sida la sheegay tuur-tuur isu yeeleen si aan loo tuhmin iyagoo damacsanaa iney halkaas ka raacaan dayaarad khaasa oo heegan u ahayd, lamana garanaayo ilaa hadda halka ama jihada ay u raaci-lahaayeen dayaaradaas.

Masuullinta amniga ee dekada dayaaradaha ka shaqeeya ayaa ku baraarugay markay arkeen qoyska Xusni mubaarak oo airaborka soo galay iyagoo si taxadara u talaabsanaya wajigana dadbaaya, dabadeedna markay weydiiyeen halka ay ku socdaan iyo ciida ay ka haystaan ruqsada ay ku dhoofayaan, laakiin jawaab lagu qanco ayey siin kari-waayeen aan ka ahayn torog-torog, sidaa darteed ayaa masuullinti amniga Madaarka la soo xariireen taliska sare ee ciidamada, oo ay ku wargaliyeen dhaq-dhaqaaqa qoyska Xuxsni mubaarak, hasa ahate waxaa isla markiiba amar lagu soo siiyey ineysan la dacwin oo dib u geeyaan xeradoodi lagu ogaa.

Sida la ogyahay shalay ayaa xeer ilaaliyaha qaranka war ka soo baxay lagu cadeeyey in Xusni Mubaarak iyo Qoyskiisa aysan wadanka ka bixi -karin, isla markaana wixii lacgo u yiilay banuugta dalka iyo dibadaba laga fariisiyey.