Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Is-Rasaaseyn Ka Dhacday Degaanka Kalshaale

Tuesday - March 1, 2011

Kalshaale: War goor dhawayd u na soo gaarsiyey nin la hadlay degaanka Buuhoodle ayaa sheegaya in degaanka Kalshaale ee dhawaan shaqaaqooyinku ka dhaceen ay is-rasaasayn ku dhex Martay Ciidanka Somaliland iyo Reer Buuhoodle oo ay taagerayaan SSC.

Is-rasaasayntan la sheegay oo aan weli si fiican loo xaqiijin sida wax u dhaceen ayaa ka danbaysay maallmo ka dib markii la Aasay Baraakihi la isku haystay iyo Maxaabiis dhinaca Buuhoodle laga qabtay oo Madaxwayne siilaanyo cafis ku sii daayay, ayaanan ilaa iminka la garanayn waxa xiligan keenay is-rasaasayntan la sheegay.

Si kastaba ha ahaatee ilaa hada lama oga dhinaca sida rasmiga ah u bilawday rasaasta,iyada oo ay wali tahay waqti hore oo wax xog ah arintaas ku saaban aan la helin, marka laga reebo Is-rasaasaynta dhexmartay Ciidanka Somaliland iyo reer Buuhoodle ay taageerayaan SSC-da .. wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin la socodsiin-doonaa