Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Korneyl Qadaafi Oo Lagu Yiri Ha Is Oran Sax Baad Tahay Ee Qaado Magangalyo Iyo Sariir Lagu Ga'mo'

Tuesday - March 1, 2011

ilo dipolomaasiyeed oo warkooda lagu kalsoonaan-karo ayaa afka u badinaaya in hadalo qarsoodi ah ay is dhaafsanayaan wiilka Seyfu Islaam iyo masuullin ka mida dawladaha reer yurub ujeedaduna tahay sidi dab loogu kala qaadi lahaa geed garaska aan jixin- jixeyn ee Korneyl Qadaafi iyo beesha caalamka loogana riixilahaa korneylka damaca kursiga sii adkeysiga iyo majarha hanka xun u ku mihindisaayo inu ugu dambeynta qarankii Liibiya dagaal dabar go' ah ku Aafeeyo, kana dhigo sida qoomka falastiin iyo Somaaliya, taaso reer galbeedka ay u arkaan in dabkii ka kaca Libiya u Roma Iyo Baris Gali-karo oo hadhow waa qadar dhacay iyo qoomamo ka imaankarto

Sida warku u dhacayo waxaa la tilmaamaya in wasiiro ka tirsan dalka talyaaniga iyo kuwa Ruusha ay hoos ahaan talo ugu baaqeen Korney Qadaafi inu xisaabta dib u rog-rogo iskana daayo been daadihinta, gafuur taaga, faanka iyo anigaa weli ku haboon hormoodka xerada libiya oo ka fogaado gedo-gedeynta goor xero iyo fandhaal kala dhaceen oo ay goroyo haad noqotay, waxayna taladoodaas si bareer ah ugu sii cadeeyeen in halka u isla joogo iyo sawirka ka jira dalka ay kala fog yihiin, balse xaaladiisa ay tahay Qori daad wato oo xunbo cuskanaya.. sidaa daraadeedna ay ugu yeereen inu qaato magangalyo iyo gogol lagu ga'mo' isaga iyo qoyskiisaba oo weliba la geeyo dalkii u ku kalsoonyahay waxnna aan loo raacan.

Korneyl Qadaafi oo sida warbaahinta ka muuqata aan la hayn damiir hagaagsan haba-yaraate oo iska dhaadhiciyey in dalkaan u isaga iyo wiilashiisa u dabranyahay, waxaa la cadeeyey inu talo soo jeedintaas ku gacan seyray oo halkaas ka fadkudiyey sheeko qab-weyni ku jirto oo yirina: reer Yurubow been baa laydin ku khatalay, walaalaha la baxay tawrada barakeysan ee digta iyo dayaanka wada, waxaa la siiyey maandooriye damqashada ka bi'ya, qaar badana oo xilki aan u dhiibay isaga tageyna waligood hoosta ayey dugaag ka ahayeen ..waxuu yiri aniga dalkaan waxuu halis soo marayba waan u hagar baxay, hadey dagaal tahay hub dhacayaan ahay, wixii dagaal horay u dhacayna is waab waabin fudud bey ahayd ee hadda kaftankii waa laysla soo dhaafay, oo waxaan hurgufi doonaa hubkii ii qarsoonaa oo idin ka yaabiya ayuu hadalkiisi raacshay, waxaase wararka dalkaas libiya ka iimaanaya sheegayaan in wiilasha u dhalay Qadaafi aan ka ahayn Seyfu Islam ay aabahood ku diidan-yihiin isku dhajinta xunka oo ay kula taliyeen iney isu dhiibaan dalka Necragwa oo u soo bandhigay magangalyo siyaasadeed.

Saraakiishi waawanta iyo hadalada la waday Seyfu Islaam iyo aabihiis korneyl Qadaafi oo naqaski jawaabtooda ka naxay waxay cadeeyeen in korneylkaas wax u sheegistiisa ku xiiqeen oo hadalkuba uga sii daraayo, isla markaana u yahay amuum goof maran kursi ku waashay, macangag ah oo aan wax loo sheegi-karin,waxuuna leeyahay ayey yiraahdeen dabeecadaha dugaaga oo wax dabra diin iyo sharci usan lahayn , waxayna saraakiishaas dipolomaasiyiinta cadeeyn in xaalada korneylka u ku socdo ay caanuhu dhawaan ka quban-doonaan ciilka dunida iyo dadkiisa u qabaan awgeed.. waxaa la yiri " Wan weyni illa la gawraco indhiisa cirka ma arkaan"