Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Mucaaradka Dalka Jabuuti Oo Sheegay Iney Mudaharaadyo Dhigayaan

Thursday - March 3, 2011

Jibouti – Mucaaradka dalka Jabuuti ayaa sheegay inay maalinta Jimcaha ee berri dhigayaan dibadbaxyo ay ku diidan yihiin qaabka ay ku socoto doorashada dalkaas, iyadoo wasiir u hadlay xukuumadda Jabuuti uu uga digay mucaaradka inay dhigaan dibadbaxyo aysan ruqsad u haysan.

" Dibadbaxyada aan dhigayno waa kuwo aan ku dalbanayno in la sameeyo guddi madaxbannaan oo suurogeliya doorashooyinka madaxnimo ee Jabuuti ka dhacaya bisha Abriil ee sannadkan," ayuu yiri Aadan Rooble Cawaale oo ah hoggaamiye ka tirsan mucaaradka Jabuuti

Mudane Cawaale wuxuu sheegay inay dhaliilayaan qaabka ay dowladdu u doonayso inay doorashooyinka u dhacaan, isagoo xusay in xukuumaddu ay doonayso inay u magacowdo guddiga doorashooyinka xubno iyaga ka tirsan, taasna aysan aqbali karin.

Sidoo kale hoggaamiyahan mucaaradka ah ayaa ugu baaqay dowladda Jabuuti inay xabsiga ka sii dayso mas’uuliyiin ka tirsan mucaaradka kuwaasoo la xirxiray markii ay dhaceen mudaaharaadyadii lagu dalbanayay in madaxweyne Geelle uu iscasilo 18-kii bishii la soo dhaafay.

"Dowladdu waxay xirxirtay 200-qof oo ka tirsan xunbihii abaabulay dibadbaxyadii looga horjeeday dowladda, waxaana dalbanaynaa in xabsiyada laga sii daayo," ayuu yiri Aadan Rooble, oo ka mid ahaa xubnaha la xiray balse saacado kaddib xabsiga laga sii daayay.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa uga digay kooxaha mucaaradka ah inay dhigaan bannaanbaxyo iyagoo aan dowladda ka haysan ogolaasho, wuxuuna sheegay in xukuumaddu ay talaabo adag ka qaadi doonto haddii mucaaradka ay dhigaan mudaahraaadyo aysan ruqsad u haysan.

Mucaaradka dalka Jabuuti ayaa mudaaharaadyadii ay bishii hore dhigeen waxay isku badaleen rabshado sababay in la dilo askar ka tirsan ciidamada, in xarumaha dowladda la gubo iyo in sidoo kale gaadiid la gubo.