Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Ma Ogtahay Sida Eebbe Ku Falay Asxaabil-Fiil Oo Miyaan Eebe Ka Yeelin Dhagartoodi Wax Dumay!

Wednesday - December 13, 2017



Qaabkii duulaanka Abraha iyo colkii markii waaga u baryey ayuu colkii is cabbeeyay oo isu diyaariyey inu hujuum ballaaran ku qaado xaramka, hadaba markay marayeen waadiga Muxasaar oo u dhaxeya Mina iyo Muzdalafa oo ah maanta goobaha xajka lagu guto ayuu maroodigi waynaa fariistay oo diiday inu horay u dhaqaaqo xaga Kacbada, markay uu jeediyaan Konfurta waqooyi amase bariga waa boodayaa oo dhaqaaqaya, markay u jeediyaan xaga kacbada waa fariisanaya.

Goor ay xaaladaan ku sugan-yihiin ayaa Alle u soo diray korkooda shimbiro raxan raxan ah, oo ku rusheynaaya dhagaxyo dhoobo-naareed ah, markaasey ka dhigeen sidi bal la daaqay oo kale.
Shimbiruhu waxay u ekaayeen dafooyinka iyo haadda. shimbir walbana wuxuu sitaa sadex dhagax, hal qowlalka uu ku sito iyo labo uu adimada ku sito oo u eeg iniinaha iltukaha.

Qofkii u dhagxaasi ku dhaco wuxuu u googo'aya xubin xubin isla markiina waa bakhtinayaa, hasa-yeeshe dhaguxu kuligood kuma wada dhacin sidaa darteed ciidankii waa yaaceen ayagoo sidii Mawjadaha badaha isugu tumanaya oo isu jiiraya markaasey gabi kasta ka daateen meelkasto godana ku bakhtiyeen.
Abraha qof ahaan waxaa Alle u soo diray cudur xun oo xubnihii la daateen oo cadba mar go'ay oogadiina haragu ka diirmay wuxuu magaalada Sanca gaaray isagoo oogada oo dhan diiran tahay laabta ayana dilaacday wadnaha agtiisa ugu dambeystiina waa bakhtiyey isla markiiba.
Run ahaanti waxay ahayd dhacdo wayn oo ah mucjiso layaab badan oo lagu isticmaalay awood ka baxsan awooda Aadanaha iyo waxa uu garan karo labada.