Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Sheekada Labada Shariif Oo Cirka Isku Shareertay .. Ma Shaqa Mise Shandadi Ayaa Laysku Haya?

Thursday - March 3, 2011

Waa Aragti - By Qalinki Cabdiraxiim Hilowle Galay: Waxaa  Dowlada loogu magacdaray dowlada  shariifayn ama labada shariif waxaana  aad loo falanqayn jiray inay is aaminsan yihiin iyo inay ujeedo iyo dan  ku wada socdaan  dad khubaro ah oo siyaasada u dhuun daloola ayaa had iyo jeer sheegi jiray in labadooda mid siran yahay oo kan kale  hawshiisu tahay ujeedo dheer.
Heshiiskii labada shariif  , sida aan wada ognahay shariif xasan oo ah  gudoomiyaha baarlamaanka dowlada ku meel gaarka ah waqtigii madaxweyne cabdilaahi yuusuf ayaa waxuu heshiis la galay  Sheikh shariif oo ah amiirka maxaakiimta islaamiga ah  ilaa ay noqdeen jabhad  ka soo horjeeda dowlada .
Sidii u muuqatay shacabka iyo dadka qaarkii waxaa markaas shariif xasan uu mujiyay geesinimo cadaana iyada oo aan la ogayn ujeedada uu kala lahaa hadana waxaa cadayd inuu xilkiiisii uga tegay inuu dalka ka saaro itoobiya isaga oo la saftay mucaaradkii  kana mid noqday xisbigii  ARS  Shariif waxuu ka mid ahaa asxaabta aadka ugu dhaw  sheikh shariif ee ka dhaadhiciyay inuu  ka soo go,o maxaakiimta kuna biiro xerta siyaasada degan ee la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan aaminsan.
Sida uu sheikh shariif waa madaxweynaha soomaaliya ee ka cadeeyay gole waxuu sheegay inuu shariif xasan yahay gacantiisa midig ayna isla soo mareen dhib badan oo ay soo wada galeen halgan iyada meeshaas ay joogeen asxaabtii badnayd ee  shariif waxuu  ku nuuxnuuxsaday inuu shariif xasan yahay muwaadin dalkiisa jecel waa shirkii Manosota ee cariga maraykanka jaaliyada soomaaliyeed ku soo dhaweeyeen madaxweynaha oo waliba  waxuu ilaaway madaxweyne shariif asxaabtiisii reer aalla sheikh sida , Geele, Cabdiqaadir cali cumaR, Janaqoow,  iyo  Ragii dhintay ee  qaraxyada lagu sameeyay  oo  ahaa rag kaalin  libaax ka qaatay  Halgankii dowlada iyo  ururkii  ARS waxuuna libintii iyo go,aankii shirka jabuuti iyo ilaa kursigiisa madaxweyne oo dhan  sababteeda siiyay shariif xasan  waxaa  shariif xasan ku helay saaxiibtinimadii madaxweyne shariif  xilal badan ilaa xildhibaan wasiir ilaa uu dib u soo ceshtay jagadiisii  ra,iisul baarlamaanka ahayd oo uu hantiyay mar kale .
Maxaa isbedelay markuu noqday  shariif xasan  Ra,iisul baarlamaanka waxaa bilowday ismaandhaaf baaxad wayn leh oo ka dhaxeeyaa labada shariif iyada oo dadka qaar u dhuun daloolaa sheegaan in xisaabi ka dhaxaysay xiligii uu ahaa wasiirka maaliyada  si aan loola  xisaabtamina labadoodu ay ku heshiiyeen in kursiga dib logu celiyo wasiirnimada uu ka tanaasulo  waa tii duhur cad laga dhaqaajiyay aadan madoobe  oo isaguna ahaa muwaadinkii ogolaaday isaga oo loo magacaabay ku sime madaxweyne  inuu ka soo qayb galo  shirkii jabuuti  aqbalay kana qayb qaatay dhismihii dowladii danbe isaga oo aan wax dhibaato iyo khilafa abuurin .
Ugu danbayn  waxaa hada  cirka isku shareeray khilaafka labada shariif ee  ma shandadii  lacagta ahayd ee ay  hore ugu heshiiyeen xiligii uu wasiirka maaliyada ahaa  shariif xasan baa  sheekadu ka kacday mise sharci iyo shaqada dowlada laysku haystaa?
Maxaa sababa madaxda soomaaliyeed iyaga oo saaxiiba inay marka danbena coloobaan ma wadanka dartiisbaa mise waa dan gaara soomaaliyeey?
Waxaan ogayn saaxiibadii qaaliga ahaa ee Cabdilaahi yuusuf iyo Cali maxamed geedi  oo iyagana  ay dhexmartay sheeko sidan oo kale ah,  Cabdiqaasim iyo Cali khaliif galayr iyo asxaab badan oo  sidan oo kale si fudud isaga hor yimid  khilaafkaas oo dhamina ka bilowday hanti qaran oo lagu heshiin waayay sidii loo wada cuni lahaa ama loo qaybsan lahaa oo ninkood sedbursaday  kii laga sedbursadayna  qaayladhaan bilaabay.
Waxaa jira  dad badan oo isweydiiyaa ma wadankaa waalan mise madaxdaa walaan mise soomaalida ayaa siyaasada ku dabaqa dabeecada shaqsiyeed waayo culuumta siyaasadu waa wax la barto qofkuna waa inuu dhawraa danta guud isaga oo ka fekerayaa sumcadiisaa iyo mustaqbalka danbe iyo magaciisa iyo naanaysxumadana ka ordayaa , halka soomalidu markiiba nin waliba galka seefta kala baxo oo taaganyahay  waxii burburayaa ha burburaane yaan lagaa badin.
Siyaasada labada shariif isku hayaan waa  waan korodhsanayaa  keligay adigana kalsooni ayaan kuu qaadayaa  in laguu kordhiyo iyo in kale, iyo  hadaad kordhisato ii kordhi hadii kale waxba ma kordhisan karitid , labada arin ayaan midkodan dan soomaaliyeed ku jirin waayo waa afduub sharciga iyo shacabka labadaba lagu hayo,marka hore ninka baarlamaanka ah iyo madaxweynaha midkoodna kuma joogo doorasho shacab teeda labaad ma jiro wax sharciya oo kala xadaynayaa  dowlada oo  qodob lagu kala bixi karo  madaxweynugu awood intee le,eg ayuu u leeyahay inuu baarlamaanka ku celiyo  mudo korodhsiga  gudoomiyaha iyo madaxweynaha  farqi intee le,eg aya u dhaxeeyaa , miisaankooda siyaasadeedna waa sidee  dastuur la,aanta oo aan hore qoraalo uga qoray ayaa sheegaysa inaysan jirin wax nidaam ah oo kala hagaa umada soomaaliyeed , haday tahay madaxweyne, wasiir , baarlamaan, ciidan, gobol, shacab, qaybaha bulshada oo dhan.
Waayo waxaa cad khilaafka nin waliba saxaafada hordhigayo inuu diiday arinkaas isaga oo aan u haysan wax sabab ah ama qodob uu ku cuskanayaa diidmadiisaa  ugu danbayn waxaan leeyahay
Sheekadu waa laba shariif oo shabaab ku hareeraysan yahay  waxayna u egtahay inay kala baxayaan oo midkood  guulaysan doono balse  shacabka soomaaliyeed waxay dhawrayaan  sharci iyo shareeco  ay xaqooda ku helaan , shuhubka iyo   shamaareerkana  ka saaraa ,madaxda dowladana waxaan odhan lahaa , aqoon dowladeed  meesha kuma haysaan waxaan tihiin  niman waqtigu u samaaxay inay dalka maamulaan ee  magac xumada iska dhawra  maatada iyo masaakiinta iyo maydka dayacana wax u qabta meel lagu murmo ma joogtaana waa muqdisho oo noqotay magaalada aduunka ugu madoow uguna mugdiga badan