Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Mucaaradka Liibiya Oo Ganafka Ku Dhuftay Wadahadalo Uu Ugu Baaqay Korneyl Qadaafi

Friday - March 4, 2011

Liibiya : Mucaaradka Liibiya ayaa ka horyimi wadahadalo ay la galaan Madaxweynaha Liibiya,tan iyo inta uu iska casilayo xilka madaxweynanimada amaba uu dalka isaga baxayo.

Golaha Qaranka Liibiya ee uu hogaaminayo Wasiirkii hore ee arimaha dibada Liibiya Mustafa Abdel-Jalil ayaa sheegay in aanay xiligan diyaar u ahayn wadahadal ay la galaan Qadaafi,laakiinse waxa ay doonayaan oo kaliya ay tahay in la soo afjaro Nidaamkaasi Diktaytarka ah.

Golaha ayaa waxaa uu baaq ugu diray caalamka in ay soo fara galiyaan xaalada haatan ee dalka Liibiya,gaar ahaana waxaa ay dalbadeen in laga hakiyo duqaymaha ay diyaaradaha dagaalka Qadaafi ay ku duqaynayaan shacabka.

Mucamar Al qadaafi ayaa u wakiishay taliyihiisa Mukhaabaraadka in uu wadahadal la galo Mucaaradka,waxaana taasi ay keentay in ay Mucaaradku si caro leh ay uga jawaabaan arinkaasi.

Diidmada wadahadalka ee Mucaaradka ayaa imaanaysa wakhti ay weli sii kordhayso dhibaatada ka jirta dalkaasi,waxaana haatan aad looga cabsi qabaa in ay kordhaan khasaaraha ka dhalan kara isku dhacyo hor leh oo dhaca, iyo iyadoo looga baqayo in liibiya ay cagta saarto wadadi Somaaliya ay ku halaagmatay

Magaalada Sirta ee bartamaha Liibiya iyo qayb kamid ah Magaalada Triboli ayaa haatan uu ka taliyaa Nidaamka Qadaafi,waxaana Marka laga tago Afar Magaalo oo ay Muaaradku gacanta ku hayaan ay inta kala yihiin,kuwo ay dagaaladu ka socdaan.