Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Khilaaf U Dhexeya Raiisal Wasaare Maxamed Farmaajo Iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Soo Shaac Baxay

Friday - March 4, 2011

Mogadisho- Xigasho Digilnews :Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan & muran daba dheeraaday uu maalmahaan u dhaxeeyo Ra’iisul wasaaraha Dowlada KMg ah Maxamed C/laahi Farmaajo & Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amaanka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax, xiisadan ayaa salka ku heysa isku shaandheyn uu Wasiirku ku sameeyay agaasimaha Guud ee wasaaradaasi iyadoo uu xilka u magabaacay Agaasime cusub.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in xiisadaan ay muddo maalmo soo jiitameysay iyadoo Ra’isul wasaaraha uu ka biyo diiday isku shaandheynta uu qorsheynaayay Wasiirku inuu ku sameeyo Wasiiradiisa, waxaana sidoo kale la sheegay in Madaxweynaha Dowlada KMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu gaashanka u daruuray in xilka laga qaado Avv. Cabdulaahi Maxamed Jimcaale, oo in muddo ah  hayay xilka Agaasimaha Guud ee wasaarada Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amaanka, ayaa u soo magacaabay inuu Agaasime guud Wasraadaaasi ka noqdo Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo ka mid ahaa Saraakiisha Boliiska, waxaana ka biyo diiday Madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed isagoo u sheegay Wasiirka 1aad Maxamed C/laahi Farmaajo in dhamaan ergada ka wakiilka ah Kooxda Ahlu-sunna ee  Gobolka Galguduud uu ka saari doono xukuumada hadiiba uu ku adkeysto inuu bedelo Agaasimaha hadda haya xilka Wasaarada.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa cad in Muran iyo is-qabqabsiga u dhaxeeya Saraakiisha Dowlada uu muujinaayo in Kooxaha kala afkaarta duwan ee ku bahoobay Dowladaan aysan wada shaqeyn karin, iyadoo xitaa qaarkood laga waayay iney muujiyaan tanaasulaad, dhowaan ayeey aheyd markii uu soo shaac baxay Khilaafka dastuuriga ah ee u dhaxeeya Madaxweynaha & Gudoomiyaha Baarlamaanka taasoo ku aadan muddo kordhinta iyo shirkadaha shisheeye, sidoo kale khilaafyadaan ayaa dib u dhac ku keenay dagaalada ay wadeen Ciidamada Dowlada.