Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Comande Aadan Nuur Qaali Oo Ka Badbaaday Qarax Wixii Soo Qorsheyey Aan Weli La Garan

Saturday - March 5, 2011

Galkacyo – Gaashaanle Aadan Nuur Qaali Taliyaha ciidanka Booliska waqooyiga magaalada Galkacyo ee maamulka Puntland ayaa xalay ka badbaaday isku day la doonayey in lagu dilo kadib markii gaari uu la socday lala beegsaay qarax xooggan.

Seddax qof oo rayid iyo askar isugu jira ayaa ku dhaawacmay qaraxa lala beegsaday taliyaha, lama oga cidda ka dambeysa qaraxa xalay waqooyiga magaalada Galkacyo lagula beegsaday taliye Aadan Nuur Qaali.

Ciidamada Booliska maamulka Puntland ee waqooyiga magaalada Galkacyo ayaa qaraxa kadib howlgallo ay sameeyeen waxaa la sheegay inay ku soo qab qabteen tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen qaraxa lala beegsaday taliyaha, hasa ahaate wax cad laguma hayo aan ka ahayn tuhunkaas

Aadan Nuur Qaali taliyaha ciidanka Boooliska Waqooyiga magaalada Galkacyo ee maamulka Puntland weli kama hadlin qaraxa lala beegsaday iyo cidda uu ku tuhmayo inay ka dambayso

Horay dhowr jeer waqooyiga Magaalada Galkacyo waxaa uga dhacay qaraxyo lala beegsaday Mas’uuliyiin ka tirsan maamul Goboleedka Puntland oo uu ku jiro taliyaha Aadan Nuur Qaali .