Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Qadafi Oo Ku Dhaliilay Yurub Gadgadonka Fikirka Xaga Qaacida Oo Aysan Garan Waxa Liibiya Ka Socda

Sunday - March 6, 2011

France: Madaxweynaha dalka liibiya ee ay haatan shacabkiisu diidan yihiin Mucamar Al qadaafi ayaa waraysi khaas ah oo uu siiyay Wargeyska La Journal Du dumench ee ka soo baxa wadanka Faransiiska waxa uu ku sheegay in haatan ay dowladiisu dagaal kula jirto waxa uu ugu yeeray, Argagixiso ay Al-qaacido hogaaminayso,iyadoona aanay wax garab ah ka helayn reer Yurub.

Mucamar Al qadaafi waxaa uu sidoo kale sheegay in ay howshu dib ugu noqondoonto qarniyadii la soo dhaafay,iyadoona Jihaad Islaami ah oo ay Al qaacido hogaan u tahay uu idinkaga imaan doono Bad iyo Bari,howshuna ay u egtahay xiligii Cismaaniyiinta ay bada cas ka talaabeen.

"In badan ayaanu idiinka caawinay,xog siinta dhibaatooyinka Argagixisada ee dalalkiina,maanta oo aanu anagu la dagaalamayno,maxaanu Garab Idiinka heli la nahay? Ayuu yiri Mucamar Al qadaafi oo fariin dignina u diraya Reer Yurub waxauuna intaasi ku daray waa ayaan daro in aanay reer Yurub garowsanayn dhibaatada ay Argagixisada Liibiya ka dagaalmaysa ay ku hayaan wadamadooda.

Si kastaba ha ahaatee qayla dhaanta qadaafi uu reer galbeedku ugu qaylo dhaansanayo ayaa imaanaysa Xili intooda badan ay ka soo horjeedaan,ayna doonayaan in nidaamkiisa la rido iyadoo cabsida uu Qadaafi u muujinayo reer galbeedka ay tahay mid ay iyaguba ka warqabaan,waxaana laga cabsi qabaa In Liibiya ay isku badasho goob dagaal oo aan lagu kala adkaan Karin.