Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Maxamed Dawaahiri oo la Filaayo In laga Soo Saaro Xabsiga Masar

Sunday - March 6, 2011

Qaahira: Qareeno u dooda dadka xabsiyada ku ciqaaban ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la filaayo in xuriadi laga qaaday injineer Maxamed Dawaahiri oo ay walalaal yihiin Dr. Ayman Dawaahiri ninka labaad ee Al-Qaacida xuriyadiisi dib u helo, sidaasna waxaa sheegay mr.Nasaar Guraab oo ka mid kooxaha islaamiyiinta ee lagu magacaabo Jamaaca Al-islaamiya.

Mr. Guraab ayaa yiri dacwad ku saabsan xariga maxbuuskaas ayaan u gudbinay hogaanka taliska sare ee ciidamada qalabka sida oo dhinacooda balanqaaday iney galka dacwada Mxamed Dawaahiri ay dib u eegi-doonaan dabadeedna go'aan ka gaari-doonaan.

injneer Maxamed Dawaahiri oo la dhashay Shiikh Ayman Dawaahiri ayaa markiisi hore1999 laga soo qabtay magaalada Dubai oo u gacanta u soo galay Sirdoonka Masaarida halkaaso xabsigiisa lagu mariyey naar iyo cadaabo badan oo la doonaayey inu ku qirto falal hagardaamo oo lagu soo eedeeyey.

Sida la ogyahay Sirdoonka mareykanka ayaa weydiistay nabadsugida Masaarida caynada dhiiga DNA Maxamed Dawaahiri si loo xaqiijisto dhiiga walaalkiis Ayman Dawaahiri .. taliyihi nabadsugida masar oo markaas ahaa Cumar Saleemaan ayaa yiri maxaad ku faleysaan dhiigiisa gaacntiisa oo dhan ayaan idin soo goynynaa haddi aad u baahataan.