Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Maxamed Dawaahiri Ee La Dhashay Ninka Labaad Al-Qaacida Oo La Filaayo Inu Dib U Helo Xuriyadiisa

Sunday - March 6, 2011

Qaahira: Qareeno u dooda dadka xabsiyada ku ciqaaban ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la filaayo in xuriadi laga qaaday injineer Maxamed Dawaahiri oo ay walalaal yihiin Dr. Ayman Dawaahiri ninka labaad ee Al-Qaacida u xuriyadiisi dib u heli-doono, sidaasna waxaa sheegay mr.Nasaar Guraab oo ka mida kooxaha islaamiyiinta ee lagu magacaabo Jamaaca Al-islaamiya.

Mr. Nasaar Guraab ayaa yiri dacwad ku saabsan xariga maxbuuskaas ayaan u gudbinay hogaanka taliska sare ee ciidamada qalabka sida oo dhinacooda balanqaaday iney galka dacwada Maxamed Dawaahiri ay dib u eegi-doonaan dabadeedna go'aan ka gaari-doonaan.

injneer Maxamed Dawaahiri oo la dhashay Shiikh Ayman Dawaahiri ayaa markiisi hore1999 laga soo qabtay magaalada Dubai oo u gacanta u soo galay Sirdoonka Masaarida halkaaso xabsigiisa lagu mariyey naar iyo cadaabo badan oo la doonaayey inu ku qirto falal hagardaamo oo lagu soo eedeeyey.

Sida la ogyahay Sirdoonka mareykanka ayaa hada ka hor weydiistay nabadsugida Masaarida caynada dhiiga DNA-da Maxamed Dawaahiri si loo xaqiijisto nooca dhiiga walaalkiis Ayman Dawaahiri..taliyihi nabadsugida Masar oo markaas ahaa Cumar Saleemaan isagoo darajeeynaaya Mareykanka ayaa yiri maxaad ku faleysaan dhiigiisa dhibicda qura, waxaan idiin soo goyneynaa gaacntiisa amase jeenigiisa oo dhan haddi aad u baahataan, hasa ahaate masuuliinti CIA-da ayaa ka yaabtay hadalka naxariis darada Cumar Saleeman oo ugu jawaabay, Please Raali ahow Ninka dhiigiisa oo kaliya ayaan u baahanahay .. General Cumar Saleemaan waa ninkii dhawaan Xusni Mubaarak u magacwday Madaxweyne Ku xigeen oo marku Shacabka Masar la hadlaayey ahaa sidii wax qaadan amase walbahaarsan.