Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Sh.Shariif Oo Xilalki Ka Xayuubiyey Taliyaashi Ciidamda Iyo General Saacid Daahir Sacid Oo Loo ...

Monday - March 7, 2011

War deg deg ah ayaa ka soo baxay xfiiska madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Sh. Ahmed oo wareegto ku qeexaya inu Xilki ka qaaday dhamaan Taliyayaasha Ciidamada Amniga qaranka.

Wareegtadan ayaa timid kadib markii ay keeneen soo jeedin xilkaqaadis Wasiirka arimaha gudaha, kan daakhiliga iyo wasiirka gaashaandhiga oo arinta taliyaashaas khuseyso, iyado xil ka qaadistaba asal ahaanba u horkacay Raisul Wasaare Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo saraakiishaas mudo ku dhalilsanaa wax qabad la'aan iyo iyagii oo inta badan ka soo horjeenstay awaamirti raisal wasaaraha siiba taliyaha ciidanka boliska ganeral Cali madobe oo ay wax badan iska dhaceen.

hadaba Madaxwenaha oo tixgilelinaya soo jeedinta wasiirada iyo raisal wasaarahaba islamarkaasna qiimeynaya xaalada iyo daruufaha nabadgelyo ee uu dalka marayo loona baahanyahay in la qaato talaabooyin lagu habaynayu laguna dar-dar galinayo haydaha nabadgalyada qaranka si loo xaqiijiyo is bedel wax ku ool ah, ayaa maanta oo ay taarikhdu tahay Maarso 07 2011 Madaxweynuhu ka qaaday Xilalkii Taliyanimo Saaraakisha hoos ku xusan.

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed General  Axmed Jimcaale Geedi.

Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Soomaliyeed General Maxamed Sheekh Xassan Xaamud.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed General Cabdullahi Macallin Cali.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed General Cali Maxamed Xassan Looyaan.

Sida warar la isla dhex marayo xarunta madaxtooyada waxaa xilka taliyaha ciidanka loo soo bandhigay inu qabto Korneyl Cabduqaadir Shiikh Cali Diini oo ka soo jeeda beesha mareexaan  oo iminka la taliye u ah raiisal wasaaraha dhinaca ciidamada lamase sheegin aqbal iyo diidmo midna,walow ay jiraan kuwa kale oo ka dhinac sharaxan .. halka loo maleynaayo In taliska poliska loo magacaabo korneyl Saacid Daahir Saciid Xaashi beesha lelkase oo malmaahaan dambaba marti u ah madaxweyne Shiikh Shariif iyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, laakin sida caadada noqotay suragal ma noqoneyso laba sarkaal oo hal beel ka soo wada jeeda in cidamada loo kala magacaabo,waxayse u badantahay in saacid Saciid la magacaabo