Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Maleeshiyadi Aarkii Axmed Karaash Oo Saaka Afka Ku Qaadatay Weerarkii Ciidamada S/Land

Monday - March 7, 2011

Dagaalo ayaa Maanta waxaa ay ka bilowdeen dhanka bari ee Magaalada laasacaanood, kaasi oo u dhexeeya Ciidamada Maamulka soomaaliland iyo weliba Malayshiyo uu horkacayo wasiir hore ee Puntland Axmed karaash .. Isku dhacaan labbada dhinac ayaa waxaa laysu adeegsaday hub kala duwan, balse sida la sheegay Ma jiraan wax dhimasho ah oo uu geystay dagaalku intii u socday sida aan wararka ku helayno, hasa ahaate mar xiriir lala sameeyey dhanka Axmed karaash ayaa xaqiijiyey in ay jiraan dhiniciisa dhaawaca 2-ruux .. waxaa la isku dayey in xariir lala sameyo dhanka Maamulka soomaaliland,balse waxaa suurta gal noqon wayday ilaa hadda in ay sheegaan khasaaraha dhinacooda, waxaase warku u badinaya in ciidamada somaaliland iyagu dagaalka soo qaadeen, laakiin caabin xoog leh ay kala kulmeen maleeshiyada Axmed Karaash oo iminka la sheegaayo iney soo gaareen gurmad maleeshiyo.

Dagaalkaan waxaa uu ku soo beegmayaa xili Maalinimadii shalay ahayd Magaaladaasi Laascaanood ay ka dhaceen Mudaharaadyo rabashado wata oo looga soo horjeeday Ciidamada Maamulka soomaaliland ee halkaasi ku sugan.