Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Al-Shabaab Oo Boqolaal Ciidamo Maleeshiyo Ku Soo Daabulaaya Mogadisho

Tuesday - March 8, 2011

Afgoye– Boqolaal katirsan askarta Al-shabaab ayaa shalay gelinkii dambe tababar loogu soo geba gabeeyey deegaanka afgooye Laanta-Buurr ee gobolka Sh/hoose

Goobta tababarka loogu soo xiray ciidamadaan waxaa ka hadlay C/qani Abuu Yaxya ku xigeenka waaliga Al-shabaab ee Gobolka Sh/hoose kaas oo ciidamada tababarka dhameystay ugu  baaqay inay ka qeyb qaataan dagaalada lagula jiro dowladda KMG ah iyo AMOSOM.

C/qani Abuu Yaxya ayaa sheegay in ciidamadaan tababarka soo qaatay ay ku soo aadeen xilli aad u fiican oo dagaalku uu bilow yahay, isagoo intaa raaciyey in ciidanka looga baahan yahay inay la dagaalamaan Mareykanka, Itoobiya, Ugandha, Burundi iyo gaalo meel kasta oo ay joogto.

Wuxuu soo hadal qaaday xil ka qaadista madaxweyne Shariif ee saraakiisha ciidamada, oo ku tilmaamay in arrintaasi ay ka dambaysay kadib markii madaxweyne Shariif uu ku fashilmay duulaan uu ku soo qaaday deegaanada ay Shabaab gacanta ku hayaan sida uu hadalka u dhigay.

Al-shabaab ayaa boqolaal ciidamo ah ku soo daabulaya magaalada Muqdisho si uu uga hortago qorshaha dowladda KMG ah iyo AMISOM  ku doonayaan inay kula wareegaan deegaanada uu ururka AL-shabaab gacanta ku hayo, waxaana xusid mudan in Al-shabaab lagala wareegay magaalooyin badan oo katirsa Gobolka Gedo.