Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
Suldaanka Beesha Warsangeli Iyo Xubno Weheliya oo Niyad Jab Kala Kulmay Madaxweyne Siilaanyo
Monday - March 21, 2011
Hargeysa:Xigasho Waaheen- Suldaanka guud ee Beesha Warsangeli Suldaan-Siciid Suldaan-C/salaan oo muddo saddex toddobaad ku siman isaga iyo xubno odayaasha beeshiisa ahi safar ku joogeen magaalada Hargeysa ayaa wxay horraantii toddobaadkan dib ugu laabteen magaaladi ay ka soo kicitimeen ee Ceerigaabo.
Suldaankan iyo xubnaha weheliyey ayaa muddadii ay hargeysa ku sugnaayeen waxay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweyne Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo xubno sar-sare oo xukuumaddiisa ka tirsan haseyeeshee kulankaas kadib waxa soo baxay warar tibaaxaya saluug suldaanka iyo xubnihiisu kulankaas ka muujiyeen Madaxweyne-Siilaanyo iyo xukuumaddiisa waannu is aragnay balse afar nin oo isku reer ah ayaa miiska noo soo fadhiistay oo arrintayadu waxay u muuqatey laba beelood oo kulmay. Sidaas waxa yiri mid ka mid ah xubnihii suldaankaa kulankaas ku weheliyey oo isagoo Hargeysa jooga telefoonka kula hadlayey saaxiibkiis oo Ceerigaabo ku sugnaa.
Ilo-wareedyo iyaguna kulankaas xog ogaal u ahaa ayaa sheegay xukuumaddu dhinaceeda si weyn in ay usoo dhowaysey suldaanka iyo xubnihiisa islamarkaasna ka sokow suldaanka sooryo ahaan xubnihii isaga weheliyey oo in badan oo markii hore aan la soconi Hargeysa kaga biireen mid kastaba la siiyey sooryo dhan US$ 4000.
Dhinaca kale maaddaama suldaankani aanu jeclayn inuu saxaafadda la kulmo taasna saxaafaddu aragtiyo kala duwan ka qabto, taasi darteed ma jirto wax war arrintan ku saabsan oo dhinaca suldaankan iyo xubnihiisa kasoo baxay sidoo kalena saxaafadda oo suldaankan axaddii ku booqatay gurigiisa magaalada Ceerigaabo ayuu ka gaabsaday wax wada hadal ama waraysi uu siiyo iyo xataa inuu waqti danbe la kulmi doono intaba isagoo yiri Imminka hawl baan haystaa oo oday ayaa ila jooga. Sidoo kalena markii saxaafaddu codsatay waqti inuu u qabtona wuxu yiri Waynu is arki doonnaa.
Waxana wararku intaas kusii darayaan saluugga xilligan in ay qayb ka tahay suldaankan oo kulanka madaxweynayaasha dhex mara ay geed ka-goan u ahayd hal baabuur cusub oo lasiiyo kaasoo xilligan gacantiisa ka maqan.
Sikastaba ha ahaatee saluuggan soo kala dhex galay suldaankan beesha Warsangeli iyo xukuumadda sare ee Somaliland ayaan dhab ahaantii la ogayn halka uu salka ku hayo islamarkaasna aan lasii saadaalin karin saamaynta wada shaqayneed ee isaga iyo xukuumadda Somaliland.
Waxana suldaankani xilligan ku sii jeedaa dhinaca degaannada bariga Sanaag ee fadhigiisu yahay oo waqtigan ay ku sugan yihiin xubno sar-sare oo maammul-goboleedka Puntland ka tirsan oo beryahanba degaannadaas ka wadey hawlaha dar-dar gelinta iyo tayaynta maammulkooda ilaa iyo hadda inta la ogyahayna fuliyey arrimo ay ka mid tahay maammul-degaaneedyo (local councils) ay degaannadaas ka hirgeliyeen.
Maqaalo Articles
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Dhacdo Xili Dheer Ka Soo Wareegtay Oo Mudan In La Xasuusto .. Gabadhi Nabsiga Guratay Ee Taariikhda Reer Yurub Gashay Ee Lagu Toogtay Fagaaraha Roma Kadib Markii .....
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story
Akhbaari Zamanki Hore .. Nabi Ayuub Iyo Ducadiisi: Eebow Dhibtii Way i Taabatay Adiguna Waxaad Tahay Rabbi Naxariistaa
Full Story
Jaceyl Iyo Lacagta Keebaa Awood Badan .. Gabar U Dhalay Billionaire Biil Gates Oo Caashaqday Wiil Musllim Ah
Full Story