Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Madaxweynihi Hore Ee Somaaliya Aasaasihi Puntland Cabdullaahi Yuusf Oo Isaga Soo Guuraya Dalka Yeman

Tuesday - March 29, 2011

Yemen- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aasaasihi Puntland Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed oo ku noolaa cariga Yeman tan iyo sidii uu uga tagay xilka Madaxweynenimo, ayaa la sheegayaa inuu haatan ku tala jiro inuu wadaankaas isaga baxo, sababo la xiriira rabshadaha ka taagan wadaanka iyo gadoodka kacdoomada looga soo horjeedo Madaxweynaha Dalkaas Cali Cabdalla Saalax.

Waxaa sii xoogaystay dhaq-dhaqaaqyadi beelaha kacdoonka Yeman, iyadoo la filayo in dhowaan xilka laga tuuro Cali Cabdalla Saalax oo ay saxiibo hoose yihiin Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed oo ku nool meel aan saas uga fogeen qasriga madaxtooyada Yemen.

Mudane Cabdullahi Yusuf oo waayeelnimo awgii waayahaan dambe iska nuglaaday ayaa ku noolaanshaha dalka Yeman u doortay arimo ay ka mid yihiin in Soomaaliya iyo Yeman isku Cimilo yihiin iyo inuu isaga soo fogaaday dhibaatada ka socota Soomaaliya si aan loo oran Oday Cabdullahi ayaa wax ka Maleegaya.

Dad qaraabo la ah ayaa ku howlan sidii Madaxweynaha looga soo rari lahaa wadankaas oo meel kale loogu wareejinlahaa, waxaanse wali la isku raacin halka uu dagi lahaa.

Dalal kala duwan ayaa la isku soo hadal qaaday oo ay ka mid yihiin Emaaraatka Carabta iyo Sacuudiga, waxaase jira kuwo ku adkaysanaya in Madaxweynaha London loo wareejio ma daama uu inta badan u yimaado takhtar baara dhowrkii bilood mar.

Waxaase jira warar sheegaya in Madaxweynaha u dhiniciisa ku adkeysanayo inuu Yemen ku sii noolaado, umana arko dhib isbedelka siyaasadeed ee la filayo inuu yemen ka dhaco, asagoo ku tilmaamay xukuumada kasta ooYeman ka dhalata waa mid u ka filaayo so dhaweyn walaaltinimo, waxuuse dhinaca kale walaac ka muujiyay hadii wadanka Dagaal ahli ah ka dhaco in xaaladu ay khatar gali karto, markaasna lagama maarmaan tahay in meel nabdoon uu dego oo uu ku cibaadaysto inta noolashiisa uga hartay.

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Lama inkiri karo wax qabadkiisa oo ninki nacas baan ogeyn sidu isgu xuurteeyey halganki dhismihi maamul goboleedka Puntlan oo u kaga badbaadshay shucuubta goboladaas gunimadi lala damacsanaa iyo dibinadi jabka loo dhigay, waxuu Puntland ka horistaagay sheekooyinkii hagardaamada la dada-hayey, khiyaamadi la isku dayey, sasabooyin lagu beer laxaawsaday ikhyaarta magaca iska lahaa, iyo mid is yiraahda wax ku cun magacna ku doono iyo kuwa kale la soo diray oo la yiri daacad isaga dhiga si afka loogu rido umadaas .. Cabdulaahi` waxaas oo dhan ayuu kelyo adeyg kalinimo kaga hortagay .. Allahayow maxaan indhaha ciid uga rognay oo aanu is oran bal mar qura u fiirsada gogolxaarka ninkaan iyo guusha u horseedaayo.

Waxaan mudane ma gabade, Cabdulaahi Yuusuf ilaaha Raxmaanka ah uga baryeynaa caafimaad qab ku sii dul joogo adunkaan maanta aynu ku suganahay,balo iyo baasna rabi ka duwo Aamin