Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Hogaamiyaha Liibiya Qadaafi Oo Ku Fadhiya Buur Dahab Ah .. By Cabdirisaaq Noor Abdulle

Wednesday - March 30, 2011

iyadaoo la tix raacayo raacaayo jariirada financial Times waxay ay ka qortay Qadaafi ayaa waxay ku tilmaamtay nin buur dahaba ku fadhiyo, waxuuna sii wadidoonaa inuu sii haysto calooshood ushaqaysatada uu haysto, taas ooo la rumaysan yahay in dhawaale uusan dhaqaalaha ka go'ayn bilo ama sanado.

Qadaafi waxuu weli gacanta ku hayaa bangiga dhexe ee Liibya, taasoo taala hanti gaaraysa 148 tan oo dahab ah. Waaxda maaliyadda u qaabilsan dalka Maraykanka waxay kala wareegtay goor sii horaysay sanadkaa Lacag gaaraysa 30 bilyan oo doolar. Waxaa kale oo jira dawlada Ingiriiska ina ay iyana ka fariisiyeen qoyska Qadaafi lacag gaaraysa 33 bilyan oo doolar.

Dhanka kale dawlda Iswizerland ayaa ah dawlada iyadana ka fariisisay hanti oo aan la shaacin inta ay gaarsiisan tahay iyadoo u cuskatay in uu yahay Qadaafi nin dadkiisa xasuuqaayo oo aan u arxamayn aqoonina bini aadanimada. Hadaba marka laysku soo duubo hantida u taala Qadaafi waa ay farabadan tahay laakiin lama og inta la ogyahay waxay tahay meela uu maal gashaday oo ilaa hadda u socda Qadaafi iyo qoyskiisa waana sida soo socta.

Saamiyaasha uu ku leeyahay aduunka

Qadaafi waxuu tos u koontoroolaa saliidda ka soo baxda wadanka. Waxuuna wax ku leeyahay shirkadaha ka shaqeeya qaarkood.

Liibya waxay hanti gaaraysa 5% bersenti ku leedahay Bangiga Rooma (Bank Di Roma) 7.5% bersentina waxay ku leedahay naadiga kubadda Cagta ee Juvantus ee Talyaaniga.

Liibya, Kuwayt iyo Abu Dhabi waxay wada leeyihiin bangigga ugu wayn ee Bariga dhexe oo magaciisa la yiraahdo Arab Bank Corp.

Liibya waxay kale hanti gaaraysa 13% bersenti ku leedahay shirkadda maalgelinta ee magaceeda la yiraahdo Zara investment Holdings oo laga leeyahay Jordan.

Hanti kale oo gaaraysa 47% bersenti waxay ku leedahay shirkda hoteeladda oo magaceeda la yiraahdo Gorinthia Group oo hoteledeeda ku kala yaaliin Yurub iyo Bariga dhexe.

Liibya waxay kale oo hanti gaaraysa 3% bersenti  ku leedahay jariidada caanka ah ee FT(financial Times) iyo madbacada ugu wayn ee yurub ku taala London Pearson.

Ugu dambayntiina waxay Liibya leedahay hanti gaaraysa 10% bersenti shirkadda ugu wayn ee soo saarta dhagaxa guryaha lagu dhiso oo magaceeda la yiraahdo Wienerberger.