Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Wasiirka Dibada Turkiga Mr. Oglo Oo Beeniyey Kacdoomada Carabta Mid Dibadaha Laga Soo Abaabulay

Thursday - March 31, 2011

Wasiirka Oglo ayaa gaashaanka ku dhuftay isla markaana beeniyey hadalada oranaya kacdoonada ka dhacaya wadamada Carabta ee lagu Ridday madax-weynayaashii dalalka Tunisiya & Masar isla markaana hada ay Ruxanayaan madax weynayaasha wadamada Liibiya iyo Yaman & Suuriya inuu yahay shirqool wadamo dibada ah laga soo malleegayo,

Wasiirka Daud Oglo ayaa sheegay in gobolka Bariga dhexe uu marayo marxalad xasaasi ah oo lamida tii ay soo mareen waddamada Yurubta Bari ee shuuciga ahaa sanadihii sagaashanaadkii taasoo lagu riday kali taliyayaal badan oo ka tallin jiray dalalka Yurubta Bari, Wasiirka oo u waramayey wakaalada Reuters ayaa sheegay in kacdoonka noocan oo kalle ah ee shacabku ku dalbanayaan xaqooda inuu yahay mid raad weyn ku sameeya dowlad kasta oo shacabkeedu kasoo hor jeestaan,

Wasiirka ayaa sheegay in dhalinyarada Carabtu ay u taffo xayteen sidii ay isaga riddi lahaayeen madaxda kalli talliyayaasha ah ee wadamada badan hor taagnaa isla markaana ay u helli lahaayeen nolol fiican dhaqaalahoodana ay kor u qaadi lahaayeen, Wasiirka Daud Oglo ayaa intaa ku daray madaxda isku dayda inay caburiyaan ama ay is hortaagaan kacdoonadaa shacbigooda inay la kulmi doonaan cawaaqib xun oo la mida ta maanta haysata dalka Liibiya,

Turkiga oo calool xumo badan ka qaaday kalla qeyb sanaanta wadamada carabta iyo sida aanay cadowga isaga eegi karin isla markaana kali ku ahaa difaaca danaha muslimiinta gaar ahaan qadiyada falastiin ayaa Wasiirku hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in arimahan cusub ee ku soo kordhay gobolka bariga dhexe inay keeni doonaan isbedel weyn oo ka dhasha wadamada carabta isagoo ka dalbaday dalka Ingiriiska inuu ku cadaadiyo madax weynaha dalka Liibiya Qadaafi inuu xukunka isaga dego inta aan xaalada dalkaasi aad u sii xumaan,