Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Waraaqo Iyo Calamo Ka Tarjumaya Ku Dhawaaqista Maamul G. Awdal State Oo Xalay Lagu Daadshay Borame

Saturday - April 2, 2011

Borama- By Reporter Khadar Maxamed Ibraahim : Waxaa Saaka Arootii Hore ay dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Borama ku soo baraarugeen Waraaqo iyo Calamo ka Turjumaya Maamul Goboleedka Awdal State ee Laga hadal hayo ku dhawaaqistiisi wadanka Dibadiisa.

Waraaqahan ayaa waxaa Ku qornaa Ereyo ay ka mid yihiin Hanbalyo waxaan hanbalyo u diraynaa ku dhawaaqista Maamul Goboleedka Awdal State oo lagaga dhawaaqayo maanta Dalka Maraykanka, waxa kale oo ay dadwaynaha Reer Borama ugu baaqayeen in ay iskugu soo baxaan Banaanbaxa lagu taageerayo Maamul Goboleedkan ay sheegeen Maanta in lagaga dhawaaqayo wadanka Maraykanka.

Dhanka kale waxaa isna ku jiray Calanka Awdal/State ay Astaanta uga dhigeen oo lagu daadiyay Meelaha Muhiimka ah , Sida meelaha la iskugu yimaado ee maqaaxiyaha, Dugsiyada iyo Xaafada Hortooda, taas oo in badan oo Reer Borama ah ay ku noqotay mid ku soo boodo ah, oo ay kala garan waayeen waxa xiligan soo dhigay dariiqyada iyo Xaafadaha hortooda.

Si kastaba ha ahaatee Arimahan dhacaya ayaa waxa ay daba socdaan maalmihii u danbeeyay oo laga dareemayay Magaalooyinka waawayn ee Gobolada Awdal/Salal hadalhaynta ku dhawaaqista Maamul Goboleed la magacbaxay Awdal State , kaas oo lagu sheegay in uu yeelan doono Gobolkani awdal, Su'aashu se waxa ay tahay Reer Awdal Gudo iyo Dibad Raali ma ka wada Yihiin Maamulkan?Waa Su'aal inta badan dadka ka dhex guuxaysa oo Jawaabteedu wali Laalan tahay.