Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Dhaqdhaqaaqyo Lagu Doonaayo In Xilka Looga Qaado G. Baarlamaanka Sh. Xasan Sh. Aadan

Monday - April 4, 2011

Mogadisho: Xigasho Somaliweyn- Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo ay sameynayaan Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ku doonayaan inay xilka guddoomiyenimada Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan uga qaadaan fadhiga ugu horeeya ee ay isugu imaanayaan mudanayaasha Golaha Baarlamaanka KMG ah, waxaana Xildhibaanada u ololeynaya xil ka qaadista Guddoomiyaha oo tiradoodu gaareyso 200-Xildhibaan ku soo biiraya mudanayaal kale.

Arrintaan ayaa soo ifbaxday kaddib markii magaalada Muqdisho ay kulamo kala duwan ku yeesheen qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka, kuwaasi oo Saxaafadda uga warbixinayay ujeedada shirkooda ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah inuu ku dhaqaaqay howlo aanu kala tashan Baarlamaanka  uu Guddoomiyaha u yahay, waxayna Xildhibaanadu tilmaameen inuu si la tashi la'aan ah uu ku magacaabay guddiyada Baarlamaanka.

Eedeymaha kale ee Xildhibaanada Baarlamaanka ay u jeedinayaan Shariif Xasan waxaa ka mid ah isagoo ku adkeysanaya inuu ka qeyb galo shirka QM ka qabanqaabineyso magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo Golayaasha xukuumadda KMG ah si cad uga horjeesteen.

Dhinaca kale Mudanayaasha ayaa sheegay in Shariif Xasan uu yahay keligii taliye doonaya inuu keligii matalo Golaha Baarlamaanka, waxayna ku eedeeyeen inuu isku dayayo sidii uu ku burburin lahaa Golaha Baarlamaanka, isla markaana arrintaasi heshiisyo kula soo galay madaxda dalal aanay magacyadooda sheegin.

Xildhibaanada tiradoodu kor u sii dhaafeyso 200-xubnood, ayaa ololahooda taageero uga helay Mudanayaal kale oo fara badan, kuwaasi oo doonaya in fadhiga ugu horeeya ee Golaha Baarlamaanka ay yeelanayaan inay hor dhigaan mooshin xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo dembiyada ay ku eedeynayaan ugu weyn yihiin qiyaano Qaran, Keli talisnimo, xil gudasho la'aan iyo arrimo kale ... By Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)