Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Madaxweyne Bush Oo Wiilka Bin Ladin Ku Martiqaaday Aqalka Cad

Wednesday - April 6, 2011

Wiil ka mid ah wiilasha uu dhaley hogaamiyaha shabakada Al-Qaacida Osama Bin Ladin ayaa sheegtey in uu ku sigto booqashada aqalka Cad ee looga taliyo wadanka Mareykanka, isagoo warkan u sheegay wargeyska La Vanguardia ee ka soo baxa wadanka Spain.

Omar Osama Bin Ladin oo horey gacanyare ugu ahaa Aabihiis xiligii wadanka Afgaanistaan ay ka talin jireen maamulkii Taliban ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Mareykanka George Bush maalmihii ugu dambeysya xilka madaxweynenimada uu ku martiqaaday booqashada Aqalka Cad si uu ugu sharaxo maamulka Bush waxa uu ka ogyahay halka uu ku sugan yahay Aabihiis Bin Ladin oo ay Mareykanku u aqoonsan yihiin nin fidno wade ah oo ay tahay in la horkeeno cadaalada.

Omar oo ah wiilka afaraad ee Bin Ladin wuxuu sheegay in bishii January 2009-kii ay ugu timid gurigiisa magaalada Doxa ee caasimada Qadar waraaq casuumad ah oo ka timid aqalka Cad ee Mareykanka taasi oo looga codsadey in uu aqbalo casuumada.

Omar ayaa yiri Waxay iga codsadeen inaan tago aqalka Cad iyagoo ii balanqaaday inay i nabad galin doonaan oo ay i difaaci doonaan hasa ahaate igu xiray shuruud ah inaan ka caawiyo halka uu ku sugan yahay Aabahay Bin Ladin.

Laakiin 29-ka jirka aabihiis ay isagu dambeysay mudo sanooyin ah wuxuu sheegay in uu ka diiday oo uu u sheegay inaanu ka xunyahay inaan xiligan arimahaasi ku gacan siin karin oo aanay jirin wax uu kala qaban karo.

“Waa Aabahey, waxaan ahay wiilkiisa waana talabaada wiil uu ku tixgalin karo oo ku jecelyahay Aabihiis si kastoo oo aan u ahay nin ka soo horjeeda fikradaha aabihiis” ayuu hadalkiisa ku darey Omar Bin Ladin.

Omar oo hada ka hor mar loo caleemo saaray in uu noqon karo ninka badali kara Aabihiis ayaa sheegay inaanu jirin wax xiriir ah oo uu la leeyahay aabihiis, isagoo Aabihiis uga soo tagey buuraleyda ku taal wadanka Afagaanistaan ee lagu magacaabo Tora Bora sanadkii 2001-dii ka hor intii aanay dhicin weeraradii lagu qaadey goobo ku yaal magaalooyinka New York & Washington.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dawlada Mareykanka oo ku aadan sheegashada wiilka uu dhalay Bin Ladin ee ku aadan in lagu martiqaaday aqalka cad ee Mareykanka.