Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Sadex Xabo Oo Muus Ah Aad Maalintii Cunto Ayaa Kaa Badbaadin-kara Cudurka Shalalka Ama Faaliga

Friday - April 8, 2011

Maalintii oo la isticmaalo saddex xabo oo muus ah, ayaa la ogaaday inay yarayso shalalka ama faaliga ku dhaca jirka Aadamaha, waxaa sidaa lagu sheegay cilmi-baaris ay soo saareen khubaro u dhalatay dalka Talyaaniga iyo ingiriiska.

Saddexdan xabo ee muuska oo aad kala isticmaalayso quraacda, qadada iyo cashada ayaa dadka u kordhiya xaddiga curiyaha ama macdanta Potasium-ka, kaas oo yareeya isbed-bedelka ku yimaada xinjirowga dhiiga ee maskaxda ilaa 21%.

Cilmi-baarayaashan, ayaa soo jeediyey inay dadka ka cabsi qaba inuu ku dhaco cudurka shalalka ama faaligu ay isticmaalaan cuntooyinka ay ka buuxdo Curiyaha Potassium-ka, sida salarka, muuska, lawska, caanaha, kalluunka iyo cuuntooyinka la midka ah .. Saddexdan xabo ee muuska ah oo aad isticmaasho ayaa 21% yareyn kara inuu kugu dhaco xannuunka faaligu, waxaa sidoo kale cilmi-baarayaal hore soo jeediyeen in muusku muhiim u yahay kaantaroolida xawliga dhiigga ama ka hortago shalalka.

Daraasadan ugu dambaysay ee lagu daabacay wargeyska American College of Cardiology, ayaa waxay culimadani ku lafa-gurtay kow iyo toban daraasadood oo la xiriira arrimaha keena xanuunka faaliga iyo cudurada ku dhaca maskaxda .. Waxay oggaadeen in haddii maalin kasta la qaato xaddi Potasium ah oo dhan 1,600 Miligramme inay ku filan tahay hoos-u-dhiga faaliga ku dhaca dadka.

Culimadda ka kala socotay labada jaamacadood ee Warwick iyo Naples ayaa sheegay in Potassium-ka afka laga qaatay ay waddamo badan u soo jeediyeen dadkooda inay u wanaagsan tahay caafimaad-kooda, Laakiin qolooyinka qiimaynta ku sameeya dhimashada ee loo yaqaan Annual Global Death ayaa sheegay in haddii dadku cunaan xaddi cunto ah oo Potassium-ku ku badan tahay, isla markaana ay yareeyaan xaddiga cusbada ah ee ay qadanayaan ay kor-u-kici doonto dhimashadu sannad kasta.

Cilmi-baarayaasha daraasadan sameeyey ayaa sheegay in arrintani ka turjumayso hoos-u-dhaca dadka u dhinta faaliga amma shalalka oo tiradoodu gaarto 1,155,000 (Hal milyan boqol iyo shan iyo kontan kun) oo qof adduunka oo dhan.

Cudurkan, ayaa waxa sababa badanaaba marka xinjirawga dhiigi samayso, isla markaana dhiiggu ka kala go’ maskaxda ayaa waxa uu sannad kasta sahaydaa in ku dhaw laba boqol (200) oo qof maalin kasta dalka Ingiriiska dhexdiisa, halka uu qaar  badana ka dhigo naafo, kaas oo khatar galiya marka labaad ee uu soo weeraro cudurkani.

Afhayeen u hadlay ururka faaliga ee loo yaqaan The Stroke Association, ayaa sheegay inay khubarada cilmi-baadhista samaysay soo jeediyeen in la cuno cunto ay ka buuxdo curiyaha Potassium-ku, sida muuska, kaabashka, salarka kuwaas oo yareyn kara inaad ku dhacdo ama uu ku haleelo cudurka qalalku amma faaligu.