Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland C/rixmaan Xaaji Maxamed Faroole Iyo Aragtidiisa Shirka

Monday - April 11, 2011

Sida laga war qabo wafdi u hogaaminaayo madaxweynaha naamul goboleedka Puntland ayaa shalay ka soo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaaso la filaayo biishaan 12-13 inu ka dhaco shir wada tashiga.

madaxweyne Faroole ayaa intuusan ka ambabixin magaalada Garowe oo la hadlay wargesyada goobtaas joogay ayaa ka warbixiyey shirka ka dhacaya dalka Kenya iyo gaar ahaan dilalka ka dhaca Puntland, waxuuna tilmaamay Aragtida maamulka Puntland ee shirka ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay ka qeyb gelayaan maamulada iyo qeybaha dalka Soomaaliya ka jira, waxa uu sheegay Madaxweyne C/raxmaan Xaaji Maxamuud Faroole in shirkaasi uu yahay mid nasiib u ah Soomaalida oo arimahooda uga tashanayaan, waxa uuna sheegay inay ka soo baxayaan go'aano dan u ah dadka iyo dalka.

Waxuu yiri shirka waxaa ka qeyb gelaya wufuud ka socota maamulada dalka ka jira oo shirkaasi uga wada tashanaya masiirka dalkooda, waana shir nasiib wanaagsan u ah Soomaalida isagoo intaa raaciyey in shirkaasi wufuudu ay uga hadli doonaan xaaladda wadanka sidii ay isaga kaashan lahaayeen in wax laga bedelo hannaanka siyaasadeed iyo arrimo kale .. dhinaca kale waxuu madaxweyne Faroole aad u cambaareeyey dilalka qorsheysan ee ka dhacaya mandiqada loona geysanaayo Odayaasha iyo waxgaradka intaba