Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Ambassador Mahiiga Oo Ka Ashtakooday Madaxda TFG-da Iyo Kulamo Gooni Gooni Ay Yeesheen Wafuuda .....

Tuesday - April 12, 2011

Nairobi- By Wariye Xuurshe: Wakiilka Xoghayaha guud ee QM ugu qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Agostin Mahinga ayaa faahfaahin ka bixiyay shirka wada tashiga ee maanta ka furmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay ka qeyb gelayaan maamulada dalka ka jira iyo Baarlamaanka xukuumada Federaalka KMG ah, hase yeeshee Mr. Agostin Mhinga waxa uu ka hadlay dadaalka uu u galay in xukuumadda iyo Madaxweynaheeda uu ku qanciyo ka qeyb galka shirkaasi.

Mr. Mahinga waxa uu sheegay in kulamo dhowr ah oo uu la yeeshay Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisal Wasaare Farmaajo oo ka dhacay min Muqdisho ilaa wadanka Uganda ay mari weysay inuu ku qanciyo ka qeyb galka shirka wada tashiga ee ka dhacaya dalka Kenya magaaladiisa Nairobi.

"Waan isku dayay...waan isku dayay in madaxda TFG-da ay ka qeyb galaan shirka wada tashiga ee Nairobi ka furmaya, laakiin hadalkeyga waa dhaafi waayay" ayuu yiri Ambassador Mhinga oo sheegay dhinaca kale inay soo xaadireen dhammaanba ergada ka socota maamulada dalka ee shirkaasi uu ku martiqaaday.

Isagoo ka hadlayay Mr. Mahinga shirka maanta ka furmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya sida uu ka yeelayo diidmada dowladda KMG ah, waxa uu sheegay in shirkaasi uu qabsoomayo wakhtigii loogu talagalay, isagoona sheegay in ergada Soomaalida ay isku dhaafsan doonaan aaraa'dooda ku aadan mustaqbalka wadanka iyo xilliga kala guurka ah.

"Haddii madaxda TFG-da ka soo qeyb geli waayaan waxay arki doonaan faa'iidada uga soo baxda Dowladda iyo shirka xiga oo Muqdisho lagu qaban doono" ayuu yiri ergeyga QM ee Soomaaliya oo sheegay in madaxda Dowladda KMG ah ay shirkaasi siyaabo qaldan u arkay, hase yeeshee waxa uu sheegay in tallaabo kasta laga eego wanaagga ee aan laga eegin sharta iyo xumaha.

Sido kale Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa shalay ilaa iyo xalay ka dhacayay kulamo kala gooni gooni ah oo ay yeelanayeen wufuuda madaxda maamulada dalka ka jira sida Puntland, Galmudug, wafdi ka socda Ahlu Sunna iyo xubno kale, kuwaasi oo iyagu siyaabo gooni gooni ah ula kulmayay ergeyga QM ee Soomaaliya Danjire Agostin Mahinga ayaa waxaa ka soo baxaya warar dheeraad ah kuna saabsan waxyaabihii ay ka wadahadleen.

Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhow kulamada dhex marayay ergeyga QM ee Soomaaliya iyo madaxda wufuuda ka qeyb galeysa shirkaasi ayaa sheegaya in looga hadlayay qorshaha shirkaasi iyo waxyaabaha looga hadlayo, bacdamaa Dowladda KMG ah ay sheegtay inaysan ka qeyb galeynin, taasi oo soo dedejisay in kulamada hordhaca ah ay ka dhacaan magaalada Nairobi isla markaana wufuuda Soomaalida ay su'aalo fara badan ka weydiiyeen ajandayaasha shirka iyo qorshaha QM ka damacsan tahay.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in qaar ka mid wufuudii kulanka la yeeshay ergeyga QM aanay ku qancin jawaabihii uu ka bixiyay su'aalaha laga weydiiyay shirka sida uu ku bilaabanayo, dadka ka qeyb gelaya iyo sida maamulada kala duwan oo dhammaantood ka wada mideysan in xarakada Al-Shabaab wadanka Soomaaliya laga tirtiro, waxa intaas ka baxsan oo ay ku heshiin karaan.

Dhinaca kale kulamada hordhaca ah ee magaalada Nairobi ay ku yeesheen wufuuda mataleysa maamulada dalka ka jira ee shirkaasi ka qeyb galeysa waxaa ka mid ah wafdi ka socda Ahlu Sunnaha Gobolada dhexe oo uu hoggaaminayo Sheekh Cumar Sh. C/qaadir oo dhowaan la caleema saaray, hase yeeshee marka loo eego maamulada Ahlu Sunna ee dalka ka jira iskuma wada raacsana ka qeyb galka shirkaasi.

Kulamada ka dhacaya magaalada Nairobi oo socday labadii maalmood ee la soo dhaafay, ayaa waxaa sidoo kale xalay magaaladaasi ka dhacay kulan ka duwan kuwii dhex marayay ergada Soomaalida iyo Agostin Mhinga, waxaana kulan gaar ah oo aan la shaacin waxyaabihii ka soo baxay uu dhex maray Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Sh. Aadan iyo madax ka tirsan dalka Mareykanka.