Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Shika Soomaalida Uga Socda Nairobi oo Maanta Galay Wajigiisi Labaad

Wednesday - April 13, 2011

Nairobi-Siduu qorshaha ahaa waxaa maanta maalintii labaad galay shirkii ay qaban qaabineesay Qaramada Midoobe oo ujeedkiisu ahaa wada tashi ku aadan arimaha Soomaaliya.

Barqadii shalay ayaa dhamaan wufuudii ka qeyb galeesay shirkaan soo xaadireen windsor Gulf Hotel and Country Clup oo ah xarunta uu shirka ka dhacaayo, waxa ayna dhowr iyo toban kilo Mitir u jirtaa magaalada Nairobi.

Shirka ayaa waxaa maanta ka qeyb galay Maamul Goboleedka Puntland, kan Galmudug, Ahlu Sunnah Waljamaacah, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo beesha caalamka oo Goob joog ka aheyd.

Shirka ayaa ahaa mid albaabada u xernaayeen oo aan saxaafadda loo ogloeyn, waxa ayna saxafiyiinta ka joogeen Banaanka,.

Billowgii shirka ayaa waxaa ka dhacay xoogaa Qalalaaso iyo Qabqabsi dhinaca xubnaha u matalaaya Shirka Ururka Ahlu Sunnah ah, iyadoo markii dambe la xalliyay.

Waxaa ka mid ah Xildhibaanadaas Salaad Cali Jeele, C/raxmaan C/shakuur, Mustaf Dhuxulow, Pro:Ibbi, Cabdalla Boos, Jurille iyo Kuwo kale oo Caan ah.

Sidoo kale waxaa shirka ka muuqanaayay Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo u Matalaayay Shirka Maamulka Galmudug.

Ururka ahlusunnah ayaa waxaa shirka u joogay ilaa 4 Xubnood oo ay ka mid yihiin Sheekh Soomow iyo Owliyo, inkastoo Ahalusunnada Gobolada dhexe ay qaadaceen Shirka.

Shirka ayaa Maanta ahaa mid Wadatashi ah iyadoo kasoo qeyb galayaasha ay ka warbixinaayeen Howlahooda shaqo iyo sida Xalka Soomaaliya uu ku jiro, waxaana mid walba laga dhageestay Warbixinadooda.

Waxaa saxaafadda Banaanka kula hadlay Waqtigii Bareega ama qadada Madaxweynaha Gal Mudug Mr.Caalin, Sh.Soomow oo Ahlusunnah ah iyo Masuul ka socday Puntland, iyagoo dhamaantood sheegay in Shirku Maanta uu ahaa is Dhageysi oo kaliya.

Waxaa Lagu wadaa in Gunta Shirka loo dhaadhaco Maalinta berri ah, isla markaana lasoo afjaro Gabi ahaanba, iyadoo la sugaayo in War-saxaafadeed ku aadan natiijada Shirka laga soo Saaro marka uu dhamaado SHirka.

Guud ahaan Jawwiga Shirka ayaa u Muuqday Maanta mid Daggan, iyadoo Masuuliyiintii joogtay oo ka kala socday Meelo kala Duwan ay Si wada jir ah u wada shekeesanaayeen.

Wixii Warar ah ee kusoo Kordha Dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa.