Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Shirki Ay Qabanqaabisay UN-ka Ee Dhinacyada Siyaasada Somaaliya Oo Qodobo Laga Soo Saaray

Wednesday - April 13, 2011

Nairobi- Kadib shirkii labada maalmood magaalada Nairobi uga socday dhamaan dhinacyada ku lug leh siyaasada dalka Somaaliya ayaa caawa fiidkii waxaa guud ahaan la soo gabagabeeyey shirkaas ay UN-ka ugu magac dartay shirka wada tashiga Somaaliya.

Shirkaas oo soo gabagaboobay kadib ayaa halkaasi waxaa ka hadlay ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Somaaliya Ambassador Augustine Mahiga oo sheegay in shirki u socday dhinacyada siyaasada Somaalida u guul ku dhamaaday iyado u qodobo wax ku ool ah laga soo saaray.

Qodobada shirka laga soo saaray waxaa ka mid ah in bisha August ee sanadkaan la qabto doorasho madaxtinimo dalka Somaaliya iyo in culimaa-uudiinka Ahlu suna Waljamaaca ay yeeshaan hogaan mideysan iyo sido kale in xubnaha baarlamaanka loo kordhiyo mudo laba sano ah.

Shirka gabagabadiisa waxaa kalo ka hadlay madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Xaaji Faroole iyo sido kale ergada ahlu suna wal jamaaca iyo madaxda galmudug oo dhamaantood xusay in shirkaas u ku dhamaaday danta maslaxda guud ee umada Somaaliyeed.