Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Madaxweynihi Hore Ee Masar Jamaal Cabdi Naasir Oo La Cadeeyey In Sun Lagu Dilay

Thursday - April 14, 2011

Sida ay qortey warsidaha Al-Diyaar oo ka soo baxda dalka Lubnaan waxaa la sumeeyey madaxwenihii hore ee dalka Masar Jamaal Cabdulnaasir kaasi oo geeriyoodey sanadkii 1970kii.

Waxaa una sheegay wargeyska Al-Diyaar in David Kamaxi oo ahaa ku xigeenka Moosaad ee Sirdoonka Israa’iil ayaa sanadahaas uu shaqaaleeyey shakhsi Falastiini ah oo u sahli kara in uu meelo khatar ah gaaro .. falastiinigaa aan la magac dhabin waxa uu David barey takhtar Ruush ah oo ka mid ahaa takhaatiirta gaarka ah ee uu leeyahaya Jamaal Cabdi-naasir iyagoo ku kulmeen wadanka hada ka go’ay Ruushka ee loo yaqaano Ukraine ..sanadii hore waxa uu David isugu sheegey taakhtarka Ruushka ah in uu yahay takhtar ku takhasusey Mindhicirada iyo caloosha.

Sanadkii labaad oo ay labada dhakhtar ku kulmaan Yukrayn waxa uu David diirka uga qaadey saaxiibkii danta uu ka leeyahay iyo waxa la rabo in uu fuliyo, waxaanu u dhiibey sun halis ah oo aan magaceeda la sheegin iyo lacag badan oo uu isaga siiyey, ka dibna waxa uu ka dalbey in uu siiyo madaxweynaha isaga oo dawo ama cunto u raacinaya waana u ka yeelay

Sida la sheegay suntan marka qofku cuno waxa ay wadnihiisa joojinaysaa bil ka dib marka uu cuney sidii ayeyna u dhacdey oo inta madaxweynihii la siiyey ayuu bil ka bacdi u dhintay sunti gashay awgeed

David Kamaxi waxa uu xusuus qorkiisa ku qorey hadii ay xataa Masaaridu baari layaayeen maydka madaxweynahooda ma aanay ogaadeen in la sumeeyey, kaliya waxaa suntaas lagu soo saari karaayey ayuu intaas ku darey lab ku yaala Talbiib oo uu sirdoonka Israa’iil leeyahay iyo laababka sare ee waliba aadka u sareeya ee ku yaala Mareykan.

Waqtigaa uu geeriyooday Jamaal waxa ay Masaarida Ciidankoodu diideen in la baaro maydka madaxweynaha sidaas ayaana lagu aasay.

Looma baahnayn warkan in la sheego hada laakiin waxaa la baahiyey isaga oo waxyaabo badan laga jaray ka dib markii u dhawaan geeriyooday ku xigeenki sirdoonka israaiil Mr.David.