Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Nin Somaali Ah Oo Madax U Ahaa Burcad Badeedii Afarta Mareykanka Dilay Oo La Soo Taagay Maxkamad

Friday - April 15, 2011

Virginia-US: Nin la aaminsan yahay in uu madax u ahaa burcad-badeedii Soomaalida ee dilay afartii muwaadin ee Mareykanka ayaa maxkamad lagu soo taagay magaalada Norfolk, gobolka Virginia ee dalkaasi Mareykanka.

Mohammad Saaili Shibin (50-jir) ayaa lagu haystaa in uu dhex-dhexaadin ka dhex waday qoysaska afartii Mareykanka iyo burcad-badeeda, waxaana uu gor-gortan ugu jiray lacagta madaxfurashada.

Shakhsiyan ma uusan ka mid aheyn 14-kii ruux ee soo qafaalay muwaadiniinta Mareykanka, balse waxa lagu eedeeyay in uu qeyb ka ahaa weerarkaasi amase soo diray burcad-badeeda.

Dowladda Mareykanka ayaa iyadu aaminsan soo qabashada ninkan in ay tahay guul weyn, waxaana ay sheegeen in ay dhaawaceyso sii socoshada howlaha burcad-badeeda maadaama ninkani yahay madax sare.

Ninkan soomaaliga ah ayaa qeyb ka ah 14-burcad-badeed oo 13-Soomaali yihiin midna Yemeni yahay oo Mareykanka la keenay kuwaasoo lagu eedeyay in ay ka dambeeyaan dilka iyo afduubka muwaadiniin Mareykan ah.

Muwaadiniinta Mareykanka ee la dilay ayaa kala ah Phyllis Macay, Robert A. Riggle, Jean iyo Scott Adam, waxaana markii la qafaalanayay kusii jeedeen Salalah oo ka tirsan dalka Cuman .. Maxkamada maanta ayaa aheyd mid gaaban oo dhageysi kaliya ah.