Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Xiddigi Daacada Iyo Wadaninimada U Bayrey Calan Side Xirsi Hurre Ducaale Oo Xag Alle Looga Yeeray

Friday - April 15, 2011

Waa Suno allaha SWT in qofna dhasho midna dhinto midna dhisto markaana lagu samro .. Alle ha u naxariistee Xirsi Hurre Ducaale (Calanside) oo ka mid ahaa siyaasiyiinti rug-caddaaga ah ee Somaliya, ayaa todobaadkan lagu aasamay magaalada Hargeysa oo uu ku geeriyooday kadib marku mudo dheer halgan ugu soo jiray dib u soo celinti midnimadi qaran ee Soomaaliya

Rabbi naxariistii janno fardawsa ha ka waraabiyee Hersi Hurre Duale (calanside) mar aan kula kulmay shiirkii Carta ii sheegay inu ku dhashay kuna barbaaray magaalada Oodweyne sanadkii 1935,dabadeedna u ka mid ahaa ragi ku biiray xisbigi gobonimo-doonka Somaaliyeed ee la oran jiray SYL kana mid noqday xubinihii dhalinyarada ahaa ee ugu firfircoonaa ilaa iyo intii xornimada laga helayey oo uu calankii somaliyeed qaaday xilligaa sidayna illaa iminka oo uu ka geeriyoonayay, looguna magacdaray( Calanside).

Xirsi Calanside muddooyinkii u dhaxaysay 1967kii ilaa 1988kii inkasto fasaxyo iyo dano ugu soo laaban jiray dalka haddana inta badan waa uu ka maqnaa dalka, dabadeedna markii uu isaga yimi qurbaha waxaa uu la kulmay burburkii dawladii dhexe ee Somalia oo u si xun uga tiiraanyoodi qadarka dhacay iyo ibleys iyo nin xumi dalki ka adima-yaan kalana qaybsanaya maal dad leeyahay iyadoo wixii laga xishoon jiray lagu faanayo

March 1993 Xirsi waxuu si xamaasad iyo qiiro leh kaga qayb galay shirkii dib u heshiisiinta Somalia ee addis ababa , halkaas oo uu ku muujiyey qiiro waddaninimo iyo nabad jacayl , waxaana u suuro gashay inuu gacanta isu saaro labadii hogaamiye ee Cali Mahdi Maxamed iyo General Maxamed Farah Caydiid, doorka uu ka galay shirkaa dibu heshisiinta Somaliyeed awgeed, waxay u arkeen madaxdii qaramada midoobay shirka u qaabilsanaa mid dhaxalgala waxaanay u qaateen inuu la shaqeeyo UNISOM bishii august 1993 wuxuuna noqday public relation officer ilaa intii ay ka baxayeen Somalia, waxaanu ku mutaystay shaahado sharaf, sida kartida iyo waddaninimada leh ee uu ula shaqeeyey .

Waxyaabaha kale ee lagu xasuusta marxuum Xirsi Hurre waxaa ka mida ka qaybgalkii shirweynihii dib u heshisiinta Somalia ee ka dhacay jibouti iyo Kenya taas oo uu ka qaatay kaalin mugleh, waxuuna si aada uga digay dulmi iyo dagaal sokeye midna inaan lagu dag dagin, waxuu cod dheer ergadi shirki Carta  ku guubaabiyey: war Somaliyey gar xeer diiday iyo ummad gole diiday midna guul ma dheelmo ee Somaaliyey kolba sheydaan baa durbaan meel baas inogu garaacaya ee joojiya qabyaalada kursi-doonka aad qof nool baas u marineysaan qarankiina ugu xaraashteen, waxuu yiri deganaasho meeshi leh baa darajo taal ee dulqaad yeesha bulshooy.

Halgame Xirsi Calanside mar aan kula kulmay shirki dibuhishiinta magaalada Carta waxuu ii sheegay in biishi oktoobar 1997 u ku guuleystay inuu heshisiiyo labadi beelood ee walaalaha ahaa ee wada deganaa magalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug,taas oo u ka dhex qaaday khadkii Cagaarnaa ee kala dhex yiilay labadaas beelood, taso iyana sida u ii sheegay uu ku muteystay shahaado sharaf ay siiyeen bulshada gobolka Mudug .. waxuu kalo ii sheegay inusan marna noloshiisa inta ka hartay usan dhigi-doonin calanka somaaliya, mana jiraan ayuu yiri wax iga badali kara majaharaha aan haysto ee wadaninimada, waxuu kalo ii carbaabay in cadaadiis badan u kala kulmay beesha u ka soo jeedo oo sheekada ay la karkarayaan ku tilmaamay mid aan xaq ahayn oo iyaga aakhirka galaafan-doonta.

Akhristow taariikhdu iyada is xaradha,iyada is xafida, ugana xog waranta umad kasta halyey iyo hagar-daamiye midba waxuu ahaa .. Halyey Xirsi Calanside allaha ha u naxariiste waxuu ahaa nin waxa socda iyo waxa soo socda garta