Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

War Deg Deg Ah Oo Lagu Sheegay In Xasuuq Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

Saturday - April 16, 2011

Gaalkacyo: War halowga iminka ku soo gaaray miiska shabakadaan galdogob Times ayaa lagu xusay in magaalada Gaalkacyo u ka dhacay fadqalalo gumaad, gaar ahaan masjidka Salaaxu Diin Ayuub ee ka dhisan agagaarka hotelka Fiqi ee u iska leeyahay Ina Barre Isxaaq.

Xasuuqu waxuu dhacay goor u dhaxeysay maqribka iyo cishaha ee caawa, waxaana warku nagu soo gaaray in dhimashada ay gaareyso 3 dhaawacuna ay tira badanyihiin iyado dhaawaci loola cararay isbitaalo ku kala yaala degmada Baraxley iyo gaalkacyo.

ila hadda nooma ay sheegin magacyada shakhsiyaadka halkaas ku qur baxay walow ninka warka soo tabiyey u nagu yiri waxaa goobta ku dhintay shiikh caan ah oo halkaas ka bixinaayey tafsiirka Qur'aanka sida u carabka ku dhufteena hayb ahaan ka soo jeeda beesha Reer Maxamuud iyo nin Reer Aadan ah oo magaciisa isna nalo sheegin walow la yiri ninkaan dambe waxuu ahaa target-ka la doonaayey in la dilo, waxaa isna halkaas ku xijaabtay nin leelkasa ah oo magaciisa la xusin

Sida sheekada u dhacayso arintu waxay la xariirtaa Aano ka dhex socota Dariiqada suufiyada degan Heema-gaalkacyo iyo kooxo salafiiyiinta cusub loo yaqaano oo loo aaneynaayey iney dileen agaasimihi diinta Puntland shiikh ismaaciil Xaashi oo saaka miino lagu qarxiyey, Shiikhaaso beel ahaan la yiri waa reer mahad waxaa lagu aasay xarunta shiikh Maxamed Shiikh Cabdulaahi Baardheere ee degaanka Heema .. Kooxda wax dishay oo masjidka sida mitidka ah isku soo maqiiqday goobta si deg deg ah ayey uga baxsadeen.