Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

War Naxdin Leh .. Degmada Bender-Bayla Ka Tirsan Puntland Oo 10 Qof Biyo La'aan Ugu Geeriyoodeen

Sunday - April 17, 2011

Bender-Bayla - Ugu Yaraan 10 qof oo isugu jira dad waayeel ah Iyo Carruur ayaa la sheegay inay biyo la’aan iyo haraad ugu dhinteen dhulka miyiga ah ee degmadda Bender-Bayla oo ka tirsan Maamul goboleedka Puntland.

Dadkan u dhintay biyo la’aanta ay sababtay abaarta kulul ee xiligan ka jirta guud ahaan dhulka Soomalidu degto ka sakow waxa iyaguna inay haraad u dhintaan qarka u saaran dadkii ku noolaa deegaanka 10-ka qof ee dhintay ay ku noolaayeen.

Guddoomiyaha degmadda Bendar-Beyl Mr Siciid Aaden Cali oo maanta warbaahinta la hadlay isla-markaana xaqiijiyey geerida dadkan biyo la’aanta u dhintay ayaa sheegay in dadkan tobanka ruux ahi ay kala dhinteen shalay iyo maanta, isaga oo xusay in guud ahaan dadka deegaanadaasi ku noolina ay halis ugu jiraan inay wadadaa maraan.

Masuulkan waxa uu cabasho ka muujiyey biyo dhaamin laga sameeyay deegaanadaa oo uu tilmaamay in aanay si wanaagsan u wada gaarin “Degmada cid gargaar la soo gaartay ma jirto oo xitaa biyo dhaamintii laga sameeyey deegaanada Puntland si wanaagsan nooma soo gaarin” ayuu yiri, isaga oo intaa raaciyey in duunyadii dadka deegaanku lahaayeen ay bakhtiyeen 90% qiyaas ahaan.