Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Hasteria-yada Leelkase oo la xalin la'yahay

Sunday - April 17, 2011

Soomaaliya Xaggeebey ku Socotaa?! | Xasan Xeyle
Sunday, April 17th, 2011 | Filed under Aragtiyo,Dooqa Xogsheeg,Wararka | Posted by Midnimo Bulsho kasta ee caalamka ku nool waxaa soo mara xaalado degnaasho la’aan oo ka dhasha dhibaatooyin dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho oo mararka qaar sababa qas iyo amaan daro ugu danbeyntii horseeda dagaal sokeeye iyo burbur.

Soomaaliya, ilaa iyo markii uu dhamaaday dagaalkii 1977-dii ee u dhexeeyay  anaga iyo Itoobiya dalku waxa uu galay mashaakil nooc kasta ah; ha noqoto mid siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo dowladdii waagaas jirtay ee Maxamed Siyaad ay, sida la ogyahay, xal u helikari wayday, isagoo Maxamed Siyaad ka madax-adeegay inuu sameeyo isbadal siyaasadeed oo dalka ka saara dhibaatooyinkii jiray, taasoo markii danbe horseeday dagaalka sokeeye iyo burburkii dalka ka dhacday oo ilaa iyo waqtigan laga bixikari la’yahay

Maanta sida ka muuqata xaaladda siyaasadeed ee guud ahaan, dalka ka jirta waa mid lagu tilmaami karo inay wareersantahay ama waalida cudurka HYSTERIA uu ku dhacay. Taas waxaa tusaale u ah xaaladda ay ku sugantahay dowladda KMG oo mar kasta khilaafka dhex mara madaxda sare uu naafeeyo, caqabadna ku noqdo sidii ay dowladdu u gudanleheed xilka iyo hawlaha adage e laga sugayo inay  fuliso marxaladda loo qabtay ee ku meel gaarka ah.

Si gaar ah, baarlamaanka ayaa noqday mushkilo iskeed u taagan oo aan la xalin karin, taasoo dadka qaar ay sabab uga dhigaan xubno tirada badan ee baarlamaanku ka koobnan yahay, oo weliba intood badan ay ku yartahay faham siyaasadeed iyo mas’uuliyadda looga baahanyahay qofka baarlamaaniga ah; taas ayaa sida muuqata keenta qaska iyo marunka joogtada noqday oo, inta badan, aan tixgalita siineyn marxaladda adage ee dalka ka jirta iyo danta guud ee ummadda. Tusaale ahaan waxaa ugu danbeeyay go’aankii lagu degdagey ee dhawaan baarlamaanuku ku dheereyay muddada jiritaankiisa ee runtii muranka badan dhaliyay.

Dastuurka cusub iyo, guud ahaan, geediga lagu baaqay ee la doonayo in dalka laga hirgaliyo nidaam siyaasadeed oo ku salaysan qaab ‘FEDERAAL’ ah, ayaa iyana waxay noqotay arrin kale oo kor u kiciyay xiisaha kulul iyo hysteriyad siyaasadeed ee bulshada dhexdeeda ka taagan, gaar ahaan, qaarkeeda dibadda dalka ku nool.

Sida jirta, bulshada Soomaaliyeed ee dibadda ku nool ayaa hindista, maal galida kuna dhaqaada sameynta iyo hirgalinta baro iyo goobo qabaa’ilku dago, ka dibna u bixida magac maamul goboleed sida HEBEL-LAAND, QURACLAAND, QANSAX IYO MAREER STATES iwm –fakarkaas noocaas ah oo, sida ruunta ah, aan waxba ka duwaneyn kii jiray waayihii la doonayay in la rido xukunkii uu hogaamiyaha ka ahaa Jeneral Siyaad Bare, iyadoo jabahdihii hubeysnaa ay mid weliba la baxda (S)-hebeliyo (S)-heblaayo, iyagoo dhamaantood ku shaqeynayay fakar iyo AJEENDO qabiil islalamarkaana hagoogtay magaca Soomaalinimo.

Waxaan qarsoodi aheyn in maamulada ilaa hadda la dhisay aysan u jiheysneyn iskaashi iyo wadajirka ah ujeedooyinka ugu muhiimsan ee la doonayo in lagu gaaro ama lagu xaqiijiyo nidaamka federal ah, hayeeshee dhabtu waxay tahay in sawirka ay bixinayaan maamuladaasu yahayy mid aan tusineyn fayoobi iyo caafimaad qab, muujinayana, oo kaliya,   isu faan qabyaaladeed iyo loolan aan macno laheyn, kaasoo mararka qaar keena isku dhac iyo dagaal dhex mara beelaha kala sheegta maamuladaas kala qaybinaya bulshada Soomaaliyeed.

Dhinac kale, iyadoon dastuurka cusub aan weli la ansixin ama aan si macno leh looga doodin ayaa waxaa durbadiiba soo baxay in laysku qaldayo awoodaha kala duwan ee loo baahanyahay inay kala sareeyaan sida tan dowladda dhexe iyo hey’adaheeda oo iyagu u taagan jiheynta iyo hogaanka siyaasadaha Qaranka iyo dowlad goboleedyada oo awooduudu ku koobantahay, oo kaliya, maamulka iyo socodsiinta hawlaha gobolada iyo degmooyinka ay ka taliyaan.

Arrimaas oo dhan waxay ifafaale u yihiin in dalku u jiheestay muran dheer oo siyaasadeed oo natiijada ka soo bixidoonta iyo halka arrimuhu ay saldhigi doonaan tahay mid aan la saadaalin Karin.

Waxaa iyana rajo fiican aan tusineyn sida ay u fakarayaan, inta badan, dadka lagu tilmaamo aqoon yahanka oo sida badan kulamada iyo shirarka ay dalka dibadiisa ku qabtaan laga ogaado, oo kaliya, damaca iyo hanqaltaag ay u qaabaan hogaanminta dalka iyagoon, marnaba, soo jeedin talo aqoon ku saleysan oo wax ka tara dhibaatada jirta, ama ay ka faa’iideysan karaan madaxda u xil saran hogaanka dalka.

Waxaa hubaal ah in WARFAAFINTA iyo qaybaheeda kala duwan ee Soomaalidu soo saarto, bulshaduna kala socoto waraka dalka iyo arrimaha jira tahay waji kale oo ay leedahay dhibaatada dalka ka jirta.  Waxay abuurtaa ama qayb ka qaadato muranka iyo jahwareer socda, kasoo mararka qaar keena qas iyo isku dhac dhiig ku daato. Doorka aan mas’uulka aheyn ee MEDIA-yadu, inteeda badan, ka qaadato dhibaatada dalka ka jirta waa arrin walwal badan oo aan, marnaba, horseedeyn kalsooni iyo isku soo dhaween laga dhex abuuro bulshada, gacan ka geesta in nabad iyo xasilooni dalka lagu soo celiyo.

Soomaaliya, guud ahaan, waxay maanta ku jirtaa marxalad aad  u murugsan oo ay adagtahay in la sadaaliyo  wajiga ay yeelan karto mustaqbal dhaw iyo kan fog ee kusoo fool leh; taas ugma jeedo, oo kaliya, halka uu ku dhamaan doono dalgaalka adag ee dowladda KMG kula jirto ururada Al-Qaacida jaalka la ah ee Al-Shabaab, hayeeshee, xaaladda siyaasadeed ee aan laheyn aragti muuqata, (Clear Vision), iyo mas’uuliyiinta qaarkood oo la moodo inaysan leheyn doonis dhab ah oo ku wajahan sidii dalka looga samatabixiyo dhibaatada taagan, iyadoo taas ay barbar socdaan xoogag kale oo iyaguna isticmaalaya dhoola tus iyo culeys siyaasadeed oo ay saaraan DKM, ujeedadoduna tahay inay ugu danbeentii dowladdu ku fashilanto xilka laga sugayo.

Markii arrimaas oo dhan laysku daro, xaqiiqadii, waxaa fakarkaaga kusoo dhacaya: Soomaaliya xaalkeeda xaggeebuu ku danbeyn doonaa!!

Allahayow, sida noo roon