Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Waallidi Saarka Iyo Mingiska Ka Socotay Waqooyiga Gaalkacyo Oo Iminka Xasiloon

Monday - April 18, 2011

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in iminka xaaladii mingiiski waalida aardoonka ka socotay magaalada ay u muuqato wax xasiloon hasa-ahaate ciryaameysan taaso ka dambeysay marki baaq badan ka soo yeeray dhinacyada wax garadka duqeyda bulshada oo si wanaagsan isugu dayey iney fidnadaas xakameyaan iyadoo isla markaana dhinaca xarunta  maamulka Puntland ay halkaas u soo dirtay ciidamo u hor kacayo Jeneral Yuusuf Axmed Kheyre oo illa xalay hawlgalo ka waday magaalada gudaheeda lamasa sheegin falalkii dhacay wax cad oo ay ila hada  u  qabteen aan ka ahayn falsafada amniga ku saleysan in hordhaca baarista dad un la iska qab qabto dabadeedna la iska si daayo.

Bulshada Gaalkacyo ayaa ila hadda ku jaahwarersan talaabooyinka tacadiga ay qaadeen kooxahi weerarka la beegsaday labada Masaajid iyagoon hubsan cida ka dambeysay dilkii loo geystay alle ha u naxariiste Shiikh Ismaacil Xaashi oo shicibka bulshada Puntland u aqoonsaneyd inu ahaa Oday samo ka talisa ehlu cibaado ah .. waa sida la yiriye waxaa la tuhunsanyahay dilkiisa iney ka dambeyeen kuwa qoorta u surantahay Kitaab Qumane balaayana ku faruur xiran oo illa hadda aan ciid loo qaban .. dhinaca kale sida aan warka ku helnay raga labada masaajid falka bareerka cad  ka  sameeyey ma ahayn wax reero ama xarumo diineed laga soo go'aamiyey balse waxay ahaayen kuwa ibliis qaalib ka noqday oo nabadgalyadi awalba xuubka caaro ahayd sii xagaldaaciyey, sida la cadeeyey waxay ahaayeen dhallinyaro  Shiikh ismaaciil uga taxneyd xaga  diinta xigtana la ahaa oo laab lakac awgii is yiri wax u Aara laakiin sida muuqata deg degnimo aduun ku fadareeyey, waxayna u badantahay ayaa la yiri in raga qaarkiis raadkooda la aqoonsado waase haddi si fiican loo baaro shardina waxaa ah inaan beel ahaan loogu hagoogan ma daama ay dhici-karto iney dileen dad aan la cadeyn dambigooda.

Arintu si kastaba ha ahaate Odayaal iyo waxgarad Qurbahaan ku nool ee beesha Tanade/leelkase ayaa iga dalbaday inaan idin soo gaarsiiyo fariin ay ku leeyihiin: dhibaatadu hadba wey timaada oo waa wareega nolosha lyo sunaha kawniga Subxaana waa-tacaala, waxaana jira xaaladaan qalafsan  oo kale habab loo dhameeyo oo awoowe ka awoowe soo taxnaa, dhalasho iyo xigtana waa la yahay, dhiig islaameedna kii galay qabrigaa ku dumay aakhiraana cid u cafineyn, sidaa daraadeedna  xagiina Qalad yaan Qalad laga dabageeyn aan hadhow la saxi-karin ha la iska ilaasho talo qori saaran iyo hadala qiima dhaca duul duula oo sabab u noqda qaska iyo jaaho wareerka nabadgalyo, ha la hagaajiyo hadalka reer baa nagu soo dulay aan meesha ku jirin, waxaa la yiri biyo fadhiya biyo socda dhaqaajiya, yaana fursad iyo jaanis la siin kuwa deyaanka iyo digta haya habaaska kicinaaya, indhaha iska soo rida oo siraada boqolka faynuus layn kalana la haysta, waxaan la hureyn waa nabada mana dooneyno sacab tumka cadawga dalka iyo dadka mandiqada .. Qaska wixi wada dhinacu rabo ha ahaade waa la isla arkin waase in kaadidiisa badan loo gogol badshaa, Arintu si kastaba ha ahate Talada iyo go'aanka ha loo daayo Odayaasha iyo wax Garadka beesha Ugu dambeyn dhamaan waxaa loo tacsiyeynayaa eheladi iyo qaraabadi ay ka tageen marxuuminti ku geeriyootay fidnadi dhacday oo aan leenahay samir iyo iimaan allaha naga siiyo iyagana naxariisti jano Aamiin