Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Raiisal Wasaare Maxamed Farmaajo Oo Ka Codsaday Qurbajoogtada Iney Soo Caawiyaan Dawlada KMG

Monday - April 18, 2011

Mogdisho: By Wariye Maxamed Xasan Xuurshe- Maxmaed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) Ra'iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa xalay khadka taleefoonka uga qaybgalay  shir ay soo diyaariyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka codsaday jaaliyadaha Soomaalida ee caalamka ku nool inay xukuumadda gacan ka siiyaan sidii ay u soo celin lahayd dowladnimadii Soomaaliya iyo kala dambayntii dalka uu lahaa.

Mr. Farmaajo wuxuu sheegay in dowladda KMG ah ee xilligan jirta ay waxyaabo badan qabatay, wuxuuna sheegay  inay ka hortagtay musuqmaasuqa, isla markaana ay sugtay ammaanka goobaha ay dalka kaga sugan tahay.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu sheegay in xukuumadiisu u baahan tahay  in gacan laga siiyo sidii ay howlaheeda u sii wadan lahayd ayna dalka ugu soo celin lahayd ammaanka guud ee dalka.

"Waxaan ka doonaynaa Jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool dalka dibaddiisa inay lacago u ururiyaan DKMG ah si ay howlaheeda ugu wadato, dhaqaalaha aan ka helno gudaha ma ahan mid nagu filan” ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dhanka kale xafladda lagu qabtay Magaalada Manchester ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka DKMG ah iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), kuwaasoo  sharaxaad ka siiyeeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan waxqabadka Dowladda KMG ah iyo waxyaabaha horyaala.