Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Al-Shabaab oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadashay Dilki Agaasimihi Diinta P/Land Shiikh Ismaaciil Xaashi

Tuesday - April 19, 2011

Xigasho Somaaliweyn: Sh.Jaamac C/salaam oo ka tirsan Xubnaha kicinta iyo abaabulka u qaabishan Xarakadda Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Dilkii todobaadkan Magalada gaaalkacyo loogu geystay Agaasimihii Diinta iyo owqaaftaee puntland Sh.Ismaaciil Xaashi isagoo ku tilmaamay marxumkaasi inuu ka tirsanaa waxa uu ugu yeeray Kooxaha Mushrikiinta iyo ashahaado la dirirka.

" Ninkaasi waa kii hadda ka hor masjidka Salaaxu-diin yiri waxaa ka jira Dariiqo Qatar ah waana in laga hortago oo la xiraa,bal tafsiirka iyo dacwadda miyaa Qatar noqotay" Ayuu si kulul u yiri C/salaam oo sheegay qaraxa lagu dilay ku tilmaamay magacyo meel ka dhac ah.

"Agaasimahaasi wuxu Dalaal u ahaa Kooxaha Qabura-caabudka ah oo uu cadawga itoopiya hubka iyo rasaasta uga keeni jiray waxaana la arki jiray isagoo hor kacaya saraakiisha xabashida ee dalka timaada”ayuuna sii raaciyay hadalkiisa.

Warkan kasoo baxay Wadaadkan ka tirsan Al-shabaab ayaa ka turjumaya in ay la dhacsan yihiin dilka lagu qaarajiyay agaasimihii diinta ee Puntland taa oo keentay in dibad-baxyo rabshado wata iyo dilal kala duwan ay ka dhacaan deegaanada Maamul Goboleedka Buntland gaar ahaan Waqooyiga  Magaaladda  Gaalkacyo .. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)