Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Gaarigi Gudoomiyaha Gobolka Laascaanood Oo Qarax Lala Beegsaday

Wednesday - April 20, 2011

Laascaanood: waxa maanta duhurkii lala beegsaday qarax Miino gaariga Gudoomiyihi  Gobolka Laascaanood oo uu saarnaa ku-xigeenkiisa iyo istaafkiisa ilaa hada wax khasaare ah lama soo sheegin inkasto gaariga u burbur soo gaaray iyado la hadal hayo in dhaawac fuduud u jiro.

Warku waxuu intaa ku daraya in miinadan oo nooceedu ahaa tan dhulka lagu Aaso ay gaariga ku qaraxday mar uu gudoomiya ku-xigeenku u socday gurigiisa, waxaanu qaraxii Miinadu gilgilay magaaladda oo laga maqlaayey inta badan xaafadaha

Ciidamada Booliiska oo hubeysan ayaa goobta gaaray waxaanay bilaabeen baaritaan hase yeeshee ilaa hada lama soo sheegin cid ay u hayaan qaraxaasi