Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Wasiirka Arimaha Dibada DKM Mr. Omaar Oo Shaaca Ka Qaaday War Bulshada Soomaali U Riyaaqday

Wednesday - April 20, 2011

Abu Dhabi - Wasiirka Arrimaah Dibada dawladda KMG Mr. Maxamed Cabdillaahi Oomaar, ayaa shaaca ka qaaday markii u horeysey iney isla qaateen aragtida amase maba’iyan Somaliland iyo maamul-goboleedyo kale oo ka tirsan Soomaaliya in wax kasta laga horeysiiyo danta magaca iyo dalka soomaaliyeed ee ay wadaagaan, sidoo kalena ka xoroobaan qaadashada tallooyinka iyo fikradaha ka soo fula ajanabiga ee dibada lagaga keeno.

Mr. Oomaar u waramayey laanta afka soomaaliga ee idaacadda VOA-da, isagoo ku sugan magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta oo uu kaga qaybgalay shirweyne caalami ah oo lagaga hadlayey mushkilada Burcad-badeeda Soomaalida, waxa uu sheegay in ay kulankaas isugu yimaadeen masuuliyiin ka tirsan Somaliland iyo maamul-goboleedyada soomaaliya ee Puntland iyo Gal-mudug, isla markaana dhammaantood la qaateen dawladdiisa in si wadajir ah loo ilaaliyo dadka, dalka iyo dawladnimada Soomaaliya.

Wasiirku waxu yiri: Annagu mowqif baanu taaganahay haddii aannu nahay dawladda ku-meelgaarka ah, waanay nala qaateen dadkii ka soo qaybgalay shirka ee ka kala socday maamullada gobollada kale sida Galmudug, Puntland ama Somaliland ha ahaato iyaguna way qabaan oo isku ra’yi ayaa laga wada yahay in maanta soomaalinimadu tahay meel kasta oo la joogaba in dantu tahay in aynaan u dabafariisan oo aynaan ka sugin dadka kale taladooda, aaraadooda iyo dantooda in wax waliba ku socdaan, waxa loo baahan yahay ayuu yiri in danta dadka Soomaaliyeed, danta dawladnimada soomaaliyeed dhinac walba oo ay tahay in taasi noqoto aasaaska iyo muhimka, ma oggolaanayno wixii hadda ka dambeeya sidii ra’iisal-wasaaruhuba u sheegay talada iyo danta Soomaaliyeed noqoto mid daraf joog ah, mid dibad ka dhalan karta maaha, waana la wada qaatay oo isla ogolaaday, mida kale dawladda Imaaraadkuna way nagu taageertay, aad baanay ugu faraxday mowqifka oo annaguna aannu si cad u sheegnay oo ugu bandhignay adduunka iyo shirkaba.”

Waxa kaloo Mr. Oomaar tafaasiil ka bixiyey natiijada ka soo baxday shirweynaha lagaga hadlayey burcad-badeedda, kaas oo uu xusay in laga so saaray go’aan ka kooban saddex qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin in bucad-badeeda la qabto lagu maxkamadeeyo, laguna xiro gudaha dalka Soomaaliya iyo in hawlgalka ciidammada caalamiga ahi ka wadaan xeebaha Soomaaliya lagu soo kordhiyo qorshe kale oo oggolaanaya in hawlgalka la dagaalanka burcad-badeeda laga fuliyo berriga dhulka Soomaaliya, barnaamujkaas oo uu sheegay in loo qoondeeyey fulintiisa lacag ka badan 5 milyan oo doollarka Maraykanka ah.