Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Al-Shabaab Oo Haweenka U Diiday Ganacsiga Iyo Saameynta Ay Ku Yeelatay Hooyooyinka Caruurtooda U ..

Wednesday - April 20, 2011

Muqdisho - Kooxda Al-shabaab ee ka talisa Gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya, ayaa haweenka degaanadaas ee suuqyada ku ganacsatada ku amray inay sida ugu dhakhsaha badan meheradahooda haystaan ugu wareejiyaan raggooda, isla markaana dumarku ku ekaadaan guryahooda oo aan suuqyada lagu arki karin.

Sidaana waxa ku dhawaaqay Amiirka kooxda Al-shabaab ee Gobolka Gedo Sheekh Cabaas Cabdillaahi Cabdiraxmaan oo goob fagaare ah kala hadlay dadweyne badan oo isu soo baxay shalay, isaga oo shacabka ku amray inay u hoggaansamaan awaamiirta lagu soo rogo, waxaannu sheegay in ciddi amarada iska dhegamarisa lagu qaadi doono ciqaab adag oo dhinaca shareecadda islaamka loo cuskan doono.

Sheekh Cabaas waxa uu haweenka degmada Baardheere ku amray in aanay iman karin suuqyada, isla markaana aanay ku ganacsan karin suuqa, wuxuuna ku amray haweenka ka ganacsada suuqyada Baardheere inay raggooda ku wareejiyaan ganacsiga, kuna ekaadaan guryahooda, isaga oo guud ahaanba dumarka ugu baaqay inay guryahooda joogaan goobahooda ganacsigana si degdeg ah ugu wareejiyaan ragga, maadaama aanay diinta islaamku oggolayn in haweenku dariiqyada u soo baxaan siduu sheegay.

Sidoo kale waxa uu amiirka Al-shabaab ee Gedo ganacsatada sigaarka ku amray inay muddo 15 maalmood gudahood ah Baardheere kaga saaraan dhammaanba sigaarka ay ka ganacsadaan, wuxuuna ugu hanjabay in ganacsadaha lagu helo isagoo sigaar iibinaya wixii ka dambeeya muddada loo qabtay uu muteysan doono ciqaab adag.

Awaamiirta xarakada Al-shabaabka ku soo rogeen dadka reer Baardheere, ayaa saameyn ku yeeshay haweenka u xamaalanayay carruurtooda iyo qaar kaloo duruufo dhaqaale dibadda uga soo saareen guryahooda, ganacsiyo yaryarna ku heystay waddooyinka magaaladaas sida meheradaha shaaha laga cabbo iyo miisas alaabooyinka yaryar lagu iibiyo.

Waxa kaloo jira dumar badan oo raggii qabay ku dhinteen dagaallada ka socda Soomaaliya ama geerida ilaahayba ku timi oo haysta carruur agoon ah, kuwaas oo dantu ku kelliftay inay dariiqyada u soo baxaan si ay ubadkooda aan haysan dawlad iyo cid kale oo caawisa masaariif ugu raadiyaan.