Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole Oo Kala Diray Maamulki Gobolka Mudug

Thursday - April 21, 2011

Gaalkacyo:-War goor dhaweyd soo gaaray shabakadaan Galdogob Times ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland u qaaday talaabo lagu doonaayo in wax looga qabto khalkhalka nabadgalyo ee ka jira cariga mudug gaar ahaan degaanka gaalkacyo .. C/raxmaan Faroole aya wareegto ku kala diray dhamaan Maamulkii gobalka Mudug oo uu horeeyo gudoomiyihi gobolka iyo golahi degaanka degmada gaalkacyo, iyado la yiri war kale ayaa ka soo bxay xafiiska madaxweynaha oo lagu magacabay gudi gaara oo amaanka magaalada wax ka qabta oo u madax u yahay nin lagu magaacaabo Cabdi Cuuke oo waxbarashada qaabilsanaa

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa qaaday talaabadaas ka dib markii ay cabasho qeylo dhaan ah maalmahaanba uga imaaneysey waxgaradka iyo Isimada magaalada Gaalkacyo oo ay dhaliil u soo jeediyeen madaxda  maamulka gobolka mudug iyo kuwa degaankaba 

Sido kale warku waxuu xusaayo in Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole u haatan magaala madaxda gobolka Gaalkacyo ku soo rogay xaalad deg deg ah ka dib markii ay dilal badan ka dhaceen kuwaas oo ay ka danbeeyaan fitnawadayaal doonahayey iney magaalada nabadgalyo xumo ka abuuraan. 

Wararkaan oo hordhac ku ah miiskaan shabakad dib ayaan idin kaga soo sheegi-doonaa wixii faafaahin ah oo soo gaara .