Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Jeneral Maslax M.Siyaad Oo Doonaaya Inu Ka Qayb Galo Doorashada Madaxweyne Ee Lagu Mal-mluuqayo Mog.

Friday - April 22, 2011

Warar ayaa jira beryahaan ku xamaaranaaya goobaha ay warka isku weydaarsadaan siyaasiyinta bulshada Soomaali oo ay ku tilmaamayaan hadafka Generaal Maslax Maxamed Siyaad oo hadda bilaabay inu dadka qaar si gacalnimo kula shawro aragtida ay ka qabaan haddi u ka qayb galo tartanka madaxtinimada la filaayo in la qabto shirka dhawaan ka dhici-doona magaalada Mogdisho ee la rabo in lagu magacaabo madaxweynihi qaranka Somaaliyeed, warkaan ayaa sheegaya in Jenaraalku u meelo kala duwan caalamka kula xariiray khadka isgaarsiinta gaar ahaan kuwa dibadaha ku laalan qurba joogtada ah isagoo ujeedadiisa tahay in ragaas u ka helo afkaar iyo aaraa ku sal leh sidi loogu hiilin-lahaa yoolkaas madaxtinimada amase lagu gaari lahaa, laakiin wajiyaashaas u la hadlay lama helin waxay ay kula taliyeen.

Sida wararka ay ku sheegayaan Jenaraal Maslax waxuu u goojinaya inu maanta madaxweyne noqdo una maro dariiq-kasta oo yoolkaas lagu gaari-karo,waxaa la sheegay in dipolomaasiiyin dawladaha beesha qaar ka mida oo fadhigoodu yahay Nairobi la baray oo inta badan madal casumaad casho kulmisay warbixina halkaas lagu kala qaato .. madasha is araga markasta waxaa soo ababula isla markaana isku soo dabarida Rag isaga madashiisa mafrash xilikasta iyo goorwalba aan laga waayin kuwaaso si wanaagsan ugu xeel dheer hoos yaaca, guulwadeynta iyo been abuurk, waxayna raga warkan soo sheegaya carbaabeen in Jeneraalka u bartanka u fadhiyo kooxo bahalo ah  siyaasad ahaan bulshada mar hore ka gubtay oo haddu isku dhex maswiro qiimo dhac ku ridi-kara loolankiisa kursi-doonka, koleyba dadkii reer Moqdisha ee Nairobi deganaa markay arkeen raga u uu  garabsanaayo kursi-doonkiisa candhuuftoodi ayey dib u liqeen, waxayna xasuusisay taariikhdi u ciidankii Soomaaliyeed soo maray gaar ahaan marku Maslax taliye ka noqday oo ay afduubteen  kooxo saraakiil balwo-balwo iyagoo si farshaxanimo leh majaharihi shaqadiisa ka leexiyeyey illa uu qiyaamihiisi kacay ciidankina kala yaacay.

Raga warkaan bixiyey oo si wanaagsan ugu dhuun daloola dhaq-dhaqaaqa Jeneraalka waxay kalo yiraahdeen: Jenaraal Maslax wax sooryo lacageed ah ayuu dhawaan ka soo helay madaxweynaha Qadaafi oo ugu deeqay guud ahaan qoyskii Maxamed Siyaad, waxaana isaga shakhsi ahaan ku soo beegantay illa laba Malyan doolar, sidaa daraadeedna maanta ma aha Maslax nin xaga dhaqaalaha ka far maran walow guulwadayaasha ku hareersan sidu ugu loogahayey oo iyagana u lahaayeen madxweyne ayaan kaa dhigeynaa ayey jeebkiisi mariyeen isagoo lacgtaas halkii ay ku habooneyd ka marin habaabiyey .. waxaa xildhibaan laga wariyey: Jeneral Maslax Marku magalaada Jabuuti 2009 tartanka madaxweyni-nimada halkaa ku galay waxaa coodkii u diiday 40 xildhibaan oo markii hore rabtay iney codka siiyaan, waxaana sabab u ahayd Ragi ku meegaarsanaa Maslax oo u diiday xildhibaanadaas iney si toosa u arkaan oo waxay Ku yiraahdeen hadaad Maslax aragiisa rabtaan Anaga Marka hore na soo mara oo noo sheega waxaad ka rabtaan, taaso keentay in xildhibaanadi ereygaas ka caroodaan codkoodina meel kale mariyeen oo yiraahdeen: Sorry Msalax weli wax u kordhay ma jiraan oo qaladkii shalay wax kuma baran oo sidi ayuu weli kuwa qoysaskoodi ku hungoobeen dabada ku wata waana wixii ciidanka qaranka u ku rogay.

Hadal haynta sharxaada Jeneraal Maslax ayaa warkeeda ku koobeysa in Maslax Maxamed Siyaad xaq u leeyahay inu galo tartanka waana ka hufanyahay Shariifyada jagadaas lagu camcamiyey,  laakiin Maslax xisaabta waa inu dib u rogrogo oo sawirkii iyo ra'yigi horay looga haystay ama maanta lagu arkaayo u dookhiisa isbadal ku sameeyo, oo halkaas raga u miciinka biday waxyaabaha qaarkoodna ku sifoobay u dhinac iska mariyo, isagoo makhluuqa ilaah badiyey ee waayo arag maamul iyo caqli leh wax ka xusho si isaga iyo Team-kiisa umada uga gadmi-karaan