Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Amaanka Caasimada Hargeysa Oo Si Gaara Loo Adkeeyey Cabsi Laga Qabo Falal Argagixiso

Saturday - April 23, 2011

Hargaysa-Xigasho Waaheen: Amaanka magaaladda Hargeysa ayay Ciidamadda Amaanku aad u adkeeyeen kadib Ciidamadda Taraafiga oo markii ugu horeysay ku hubaysan qoryaha fudud iyo kuwa kale ee Booliiska ayaa taagan isgoys kasta oo ka mid ah jidadka waaweyn ee Hargeysa, waxaanay baarayaan gaadiidka iyagoo qof qof u eegaya wajiyada dadka saaran isla markaana weydiinaya sharciyadooda.

ilaa hada xukuumada iyo Saraakiisha Amnigu si rasmi ah ugamay hadal xaalada soo korortay nooca ay tahay hase yeeshee Taliyaha Booliiska ayaa ka hadlay gaari UN ku leeyihiin oo Nambarka laga furtay, kaasoo looga shakisan yahay in ay ka furteen Kooxda Al-shabaab oo la filayo inay ka soo firxadeen dhinaca Somaliya.

Sh Aadan X Maxamud "Aadan Siiro" ayaa qudbadiisii shalay Jimcihii uu Masaajidka Xawaadle ka Akhriyay inay jiraan wadaado badan oo in muddo ah dalka ka maqnaa inay soo galeen isagoo Sirdoonka ku eedeeyay inaanay waxba kala socon dhaqdhaqaaqooda isla markaana tilmaamay inay hoos u dhacday xirfadii Sirdoonku kadib markii ay maamulka talada hayaa ka eryeen shaqadaasi dadkii xirfada sare u lahaa.

Waxa iyana ay sheegayaan wararka kale ee magaalooyinka dalka laga helayaa inay kooxahaasi iyagoo feeraarsan ay ku soo baaheen gobolada dalka gaar ahaana Burco iyo Hargeysa isla markaana ay isku dhererinayaan dhinaca xeebaha iyagoo dhuumaalaysanaya sida la sheegayna qaarkood waxa ay kaba gudbayaan dhinaca badda.

Si kastaba ha ahaatee dagaalo culus ayaa kooxda Al-shabaab ku qabsaday koonfurta Somaliya oo ay aad ugu xoog badan yihiin inkastoo ay qabsadeen magaaladda Dhuusa-mareeb oo ah goob istaraataji ah oo la filayo inay doonayaan inay uga soo gudbaan dhinaca Puntland si ay iskugu soo balaariyaan dhulka buuralayda ah ee Silsilada Golis."