Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

General Katumba Wamala Oo Sheegay In Somaaliya Loo Diri-doono Ciidamo Dheeraad Ah

Friday - April 22, 2011

Kampala) – Saraakiisha ciidanka qalabka sida ee dalka Uganda ayaa codsaday in ciidamo dheeraad ah oo gaaraya afar kun oo askari lagu kordhiyo ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM.

Abaanduulaha ciidamada dhulka ee dalka Uganda Gen. Katumba Wamala ayaa gudiga difaaca iyo arrimaha gudaha ee baarlamaanka dalkaas ka codsaday in ciidamo dheeraad ah lagu kordhiyo ciidamada Uganda ee hadda ku sugan gudaha Soomaaliya, si meesha looga saaro kooxda Al Shabaab ee mucaaradka ku ah dowladda KMG.

Gen. Katumba ayaa sheegay inay ka guulaysteen maleeshiyaadka Al Shabaab, islamarkaana loo baahan yahay in laga nadiifiyo maleeshiyaadkaas wadanka oo dhan, si ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ay ula wareegaan gacanta ku hayta dalka oo dhan.

Jeneraalka ayaa sheegay in dalka Uganda ciidamo gaaraya 4,600 ay ka joogaan Soomaaliya, islamarkaana ay ka taliyaan kala bar magaalada Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ayaa Soomaaliya ku sugan muddo afar sano ah, waxaana Uganda uga dhintay magaalada Muqdisho ciidamo gaaraya 90 askari, sida uu sheegay Gen.  Katuma Wamala.