Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Ururkii Ehlu Suna Oo Mar Dambe Dib U Qabsaday Dhuusamareeb

Saturday - April 23, 2011

Dhuusomareeb- Wararkii ugu Danbeeyay ee laga xigtay magaalo madaxda gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb ayaa sheegay in gacan ku haynta magaaladu dib ugu soo noqotay Wadaadii Ahlu Suna ee shalay magaalada laga saaray ka dib dagaal aan waxba la iskula harin oo ay kula wareegeen xarakada Al-Shabaab shalay.

Wararku waxa kale oo ay intaas ku darayaan in xarakada Al-Shabaab ay horey u sii qaateen markii ay ka baxayeen Saanad Dagaal oo ay ka mid tahay Gaadiidka Gaashaaman , Hub iyo Hanti ay lahaayeen Urur diimeedka Ahlu Suna, laakiin lama hayo ilo arimahaas ku dhaw-dhaw oo xaqiijinaya in arimahaasi dhaceen.

Si kastaba ha ahaatee waxaan ilaa hada la ogayn khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray dhinacyadii ku dagaalamay magaalada iyo dadka rayidka waxaana xalay ilaa saaka magaalada duleedkeeda iyo gudeheeda laga dareemayaa saansaan colaadeed iyada oo la sheegayo in ciidamada Al-Shabaab ayna ka dheerayn magaalad Dhuusamareeb taas oo la soo sheegayo in ay ku sugan yihiin Duleedka magaalada Halka kuwa kalena ay wadaan Abaabul Dagaal.