Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Ururkii Ehlu Suna Oo Dib U Qabsaday Magaalada Dhuusamareeb

Sunday - April 24, 2011

Dhuusomareeb- Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka helayno magaalo madaxda obolka Galgaduud ee Dhuusamareeb ayaa sheegay in gacan ku haynta magaaladu dib ugu soo noqotay Ururkii Ahlu suna ee shalay magaalada laga saaray ka dib dagaal aan waxba la iskula hadhin oo ay kula wareegeen xarakada Al-Shabaab halay.

Wararku waxa kale oo ay intaas ku darayaan in xarakada Al-Shabaab ay horey u sii qaateen markii ay ka baxayeen Saanad agaal oo ay ka mid tahay Gaadiidka Gaashaaman, Hub iyo Hanti ay lahaayeen Urur diimeedka Ahlu Suna, Laakiin lama hayo ilo arimahaas ku dhaw-dhaw oo xaqiijinaya in arimahaas sidaas u dhaceen.

Si kastaba ha ahaatee waxaan ilaa hada la ogayn khasaaraha Dhabta ah ee soo gaaray dhinacyadii ku dagaalamay magaalada iyo dadka rayidka waxaana xalay ilaa saaka magaalada duleedkeeda iyo gudeheeda laga dareemayaa aansaan olaadeed iyada oo la sheegayo in ciidamada Al-Shabaab ayna ka dheerayn agaalad Dhuusamareeb taas oo la soo sheegayo in ay ku sugan yihiin Duleedka Magaalada halka kuwa kalena ay wadaan abaabul dagaal.