Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Nabadoojn Saciid Kaashawito Oo Goor dhaweyd La Dilay

Sunday - April 24, 2011

Boosaaso: Kooxo hubaysan ayaa goor dhaweyd ku toogtey gudaha magaalada Boosaaso Alaha ha u naxariistee Nabadoon Siciid Cumar Saciid "Kaashawito" oo ka mid ah nabadoonada caanka ah ee laga yaqaan magaalada Boosaaso.

Sidoo kale goobta lagu toogtay Saciid Kaashawito waxaa ku dhaawacmey afar qof oo ka agdhawaa marxuumka la dilay, waxaana la soo sheegayaa in ay baxsadeen kooxdii dilkaas u geystey nabadoon Saciid, iyadoo dilkan uu qayb ka yahay dilal joogto ah oo maalmahan ka aloosnaa magaalada  Boosaaso iyo qaybo kale oo ka mid ah deegaanada Puntland .. Dilka Nabadoonka ayaa imaanaya Iyadoo Guud ahaanba Amaanka Puntland uu haatan Noqday Tusbax afka laga Furay