Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Reer Galbeedka Oo Daraaseynaya Sidi Cunaqabateyn Loogu Soo Rogi Lahaa Dalka Siriya

Tuesday - April 26, 2011

Diblomaasiyiin reer galbeed ah ayaa sheegay in dowladaha Franasiiska, Jarmalka , Ingiriiska iyo Portaqiiska in ay u istaagayaan sidii golaha ammaanka ee Q.M ayaa u soo saari lahaayeen bayaan lagu cambaareynayo qaabka xukuumadda Siria ay ula dhaqmeyso dadka dibad baxa yaasha ah.
 
Diplomasiyiinta ayaa intasi ku daray in maanta oo talaada ah ay macquul tahay in bayaan laga soo saaro xaaladda Suuriya waa haddii 15 dowlad e xubnaha ka ah ay isku afgartaan arrinkaas.
 
Dowladaha Fransiiska Ingriiska jarmalka iyo burtaqiiska ayaa xoojinaya hadalka uu ku dhawaaqay xog-haya guud ee Q.M Manki Moon ee aheyd in la sameyo guddi xaqiiqo raadin ah kadib markii isbuucyadii la soo dhaafay ay dhinteen dad la sheegay in ay POlice-ka rasaas ku fureen.
 
Mas'uul u hadlay Q.M ayaa sheegay in Suuriya iyo Liibiya aanay isku mid aheyn oo arinta Liibiya ay usoo bandhigeen inw ax laga qabto ururka Jaamacadda Carabta haddana tasi macneheedu aysan aheyn in faraha laga qaado waxa ka socda Siria.
 
Xukuumadda Mareykankana waxey tilmaantay in ay daraaseneyso cunaqabateyn ay ku soo rogto dalka Siria, Afhayeenka aqalka cad Tomy Fieter ayaa sheegay in cunaqabateyntu ay noqon doonto in la xiyiro hantida xukuumadda iyo in Mareykanku uu jaro xiriirka dhanka ganacsiga ah ee uu la leeyahay Siria.
 
Magaalada Darca-na waxaa shalay ku dhintay ugu yaraan 18 qof qaar kalana wey ku dhaawacmeen kadib markii ay isku dheceen police-ka iyo dadka dibad baxyada sameynayay.