Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Israaiil Oo Ka Walaacsan Quraanjada Ku Kacday Biishaar Al-Asad Ee Dooneysa Iney Xukunka Ka Tuuraan

Tuesday - April 26, 2011

Sida u qoray wargeyska maalin-laha ka soo baxa dalka yahuuda ee la yiraahdo Yadacut Axranut ayaa war ay bogeeda wargeyska ku qortay in guud ahaan shicibka israaiil aysan raali ka ahayn in madaxweyne Bishaar Asad gadoodka kacdoonka socda looga tuuro xukunkiisa, maa dama ayey tiri aan la garaneyn saadaasha waxa dhicitaan-kiisa kadib halkaas ka soo bixi-doona.

wargeyska ayaa yiri golaha wasiirada sida gaarka uga arimiya nabadgalyada Israaiil ayaa iyagana dhinacooda walawal kaa la mida muujiyey oo yiri daganaasha la'aanta geygaas Siiriya ka muuqata waxay dhib u keeni-karta dalkaan israail taaso laga baqayo ayey yiraahdeen amase dhici-karta in haddi madaxweynaha bishaar ee iminka taagta daran u qiilqiil ka galo awooda xukunkiisa oo kacdoonka jira ku biyo keenaan, ayba dhici karto inu dagaal kadis ku soo qaado dalkaan Israail si u colaada shacabka ugu jeheeyo dalka Yahooda, waxayse warkaas raaciyeen in haddi u falka talabadaas qaado ay taas micnaheeda tahay naftiisa u halaagayo.

Wargeyska ayaa qoraalkiisa ku soo gaabiyey in raiisal wasaaraha Israaiil Mr. Netayaahu oo indho qoroto ku eegaya aayaha kacdonka siiriya u amar ku siiyey golihiisa wasiirada ineysan marna wax tacliiq iyo hadal xagxagasho la xariira aysan ka bixin xaalada ka socota Siiriya, waayo ayu yiri ma garankarno xaalada murugsan ee ka dhex aloosan Bishaar Asad iyo shabkiisa wax ka soo bixi-doona isagoo carabka ku si dhuftay in kacdoonki Xusni Mubaarak lagu riday ay dawlada Israaiil ku noqotay waji gabax iyo hungo oo derisnima wanaagi masar jiri jirtay dhinaca xun loo garangarinaayo.

Dhinaca kale wargeyska ayaa intaa si raaciyey in siyaasiyiinta istraatijiyada dalka israaiil ay inta badan faalooyinkooda ay ku sheegaan in danta israal ay ku jirto in xukunka u sii haysto madaxweyne Biishaar Asad inta u hogaaminta dalkaas ku soo boodi lahaa Nin Mahadi sheegta oo cariga yahuuda dagaal ku soo qaada