Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Madaxweynaha Somaaliya Shiikh Shariif Oo Bogaadiyey Dilka Loo Geystay Usaama Guul La Gaaray

Monday - May 2, 2011

Muqdisho-Madaxwenaha Dowlada KMG ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa boogaadiyay Dilkii loo geystay Hogaamiyaha Ururka Al-Qaacida Sheekh Osama Bin-Laden isagoo soo dhaweeyay dilkaasi kuna tilmaamay mid macquul u noqon karta in laga adkaado kooxaha mucaaradka Dowladiisa.

Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay kulan xarunta Aqalka madaxtooyada ku dhex maray Guddiga Amniga Qaranka ayaa waxa uu sheegay in Osama Bin-Laden uu qeyb ka ahaa dadka dhibaatada ku haayay nabada iyo xasilooni ka dhalata dalka soomaaliya.

"Al-Qacida qorshaheeda waa in Soomaaliya noqoto meel lagaga duulo dowladaha caalamka oo aan ka dhalan wax dowlad ah iyo nabad gelyo" Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo soo dhaweeyay howlgalkii lagu khaarjiyay wadaadka hogaaminaayay ururka Al-Qacida.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabada iyo sidii xasilooni loogu heli lahaa dalka Soomaaliya, isago dhanka kale hambalyo u diray ciidamada Dowlada KMG oo muddooyinkii ugu danbeeyay hor mar ka sameeyay dagaalada ay kula jiraan kooxaha mucaaradka.