Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Dilka Usaama Bin Laadin Iyo Su'aasha La Is-Weydiiyey

Monday - May 2, 2011

Ugu dambeyn Madaxweyne Obaama isagoo suun ku gigsan is muujin xashaash, xarrago iyo farxadi ka muuqato, Waxuu shaaca ka qaaday in Usaama Bin Laadin U ku qur baxay hawlgal dagaal lagu ballaarshay ayna fuliyeen ciidamada tafa oo si gaar ah ugu tababaran la dagaalanka argagaxisada, taaso ka dambeysay mudo 15 sano oo Mareykanku wadaadkaas raacdeyn cagta cagta u saaray, walow raadkiisi la waayey jaan iyo cirib meel u dhigay,hasa ahaate iminka la helay laxamkiisina la karkariyey .. Obama arintu waxuu ka dhigayaa Quraanjoy ku quuso, Qaacidey wax ku qaado, waxaase jirtay in caalamka intiisa badan markasta la saluugsanaa sida dawlada mareykanka hawlgalka qabashadiisa u maareyn-jirtay oo ay ku fashashay mudadaas dheer, iyadoo la qabo in Ameerika ay leedahay awood dhinac kasta baaxad weyn ku leh sida dayax gacmeedyo, hub casri ah iyo iyadoo ay u sanduleysan-yihiin Carab, Muslim iyo Cajamba oo hawlgalkaas kala shaqeynaayey, waxaase la isku qancin-jiray Mareykan ineysan xeel ka dhamaan oo aan la garankarin sida ay u baandheyaan Turubka Siyaasada .. waxba hadalka yuu ila dheeraane, waxaan ku soo gaabshay in iyadoo laga duulaayo News-ka la xariira qabashada Usaama Bin Laadin, waxaan soo jeedinaya in su'aalahaan qof waliba isagu isaga jaawaabo

1- Maxaa ciidamada loogu amray iney khaarijiyaan Usaama oo si ulakac ah loogu qaban-waayey ma daama Qabashadiisa ay u ahayd Mareykanka Jawharad laga faaiideysankaray.

2- Maxaa keenay marki la ogaaday halka u daganyahay in sagaal bilood loo sugo hawlgalka dilkiisa, maxuuse ahaa muraadka illa waqtigaas la bisleynaayey

3-Maxaa meydkiisa wargeysyada caalamka loogu soo bandhigi-waayey sidi Sadaam Xuseen iyo Caruurtiisa

4- Maxaa Suuragaliyey in Bin Laaden u isaga noolaado Qasri ka agdhaw xarunta tababarada ciidamada Baakistaan oo aan dan iyo heelo laga galin.

5- Maxaa keenay in meydkiisa inta baroosin cusleya lagu xiro dabadeed lagu dhaabo hoosta Badweynta, oo dhiigiisa Badda loogu caseeyey.